Kenya: Wasiirradii Ugu Badnaa Ee Somaliland Ka Socda Oo Nairobi Kula Kulmaya Dalalka Qaadhaan-Bixiyayaasha

Wefti wasiirro ah oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa maanta u ambobaxay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, halkaasi oo ay kaga qayb gali doonaan shir lagaga hadlayo horumarinta Somaliland.

Weftigan wasiirrada ahaa oo kala baxay shalay iyo maanta ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirrada Arrimaha Dibada, Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hore u sii baxay iyo weftiga shalay baxay oo ahaa Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire, Wasiirka Beeraha Faarax Cilmi Geedoole iyo Wasiirka Deegaanka.

Weftigan ayaa inta ay ku sugan yihiin magaaladda Nairobi waxa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan wadamada Qaadhaan bixiyeyaasha ah ee dhinaca horumarka Somaliland ka taageera.

Shirkan ayaa waxa sidoo kale waxa ay weftigu inta ay Nairobi ku sugan yihiin kulan la yeelan doonaan hay’addaha ay sidoo kale arrintan khusayso, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda beeraha ee Somaliland, Sacad Muuse Cabdi.

Qaadhaan bixiyayaasha

Hasa-yeeshee warar kale oo Wargane helay ayaa sheegaya in weftiga Wasiirrada ahi ay Nairobi kula kulmayaan wufuud ka socoto dalalka qaadhaan-bixiyayaasha, iyada oo arrinta laga wada hadlayaa la xidhiidho arrimaha doorashooyinka ee Somaliland.

 

Comments

comments

SHARE