Fasiraada Saddex Qiso Oo Cajiib Ah Oo Wasiir Samaale Xilwareejinta Maaliyada Ku Garnaqsaday Iyo Meesha Ay Iskugu Arooreen Macnawiyan.

Dadaalo badan oo aanu u galnay helista fasiraada qisooyinkii loogu hadal haynta badnaa shalay ilaa maanta ee Wasiirkii hore ee wasaarada Maaliyada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ku soo daray khubadiisii wareejinta xilkii wasaarada Maaliyada ayaa waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qisooyinkaasi oo fasiran islmarkaana laga bixiyay sharaxaado dheeraad ah oo kuu raaridaya macnaha qisaskaasi diiniga ah ee aadka u qiimaha badani ku aroorayaan.
Guud ahaa shacabka reer Somaliland gaar ahaan intii dhagaysatay ama daawatay Qisaskii isfasirayay ee Wasiirkii hore ee Maaliyadu daliishaday isagoo ku salaynaya ama dadka fahamsiinaya halka uu tuhunsan yahay inay daarnayd xilka wareejintiisu,islamarkaana dhaawac u gaystay xiidhiidhkii isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo u dhexeeyay oo uu hore u sheegay in wax yeelo loo gaystay. Waxa uu wasiir Samaale daliishaday saddex Qiso oo dadkii dhagaystay khubadiisa ama fadhiyay halkii uu ka jeediyay ay aad ugu dhaygageen islamarkaana ay aad u jeclaysteen,hadaba qisooyinkaasi oo mid mid la idiinku soo fasiray ayaa waxa ay u dhignaayeen sidan:
Qisadii kowaad:
Samaale ayaa inoo sheegey in xilka looga qaadey tuhun iyo war been abuur ah oo loo geeyey Madaxweyne Siilaano, waxaana uu tusaale u soo qaatey,qisada Suuratul Xujaraat ku jirta,ee ku saabsan ninkii Zekada qoomka looga diray, ee inta uu ka yaabey in ay dilaan yiri Zekadii way diideen oo markii ciidanka lagu saarey ay ka hor yimaadeen iyaga oo wada Zekadii, Aayadihii ku soo degey ee ahaa “Haddii mid faasiq ah war idiinla yimaado, caddeysta, si aydinaan ugu xadgudbin qolo aan wax dhib ahba geysan, kadibna aad ka shelaysaan wixii aad u geysateen”. Wasiir Samaale waxa uu tilmaamey in laga shalayn doono wixii dhacay.
Qisadii labaad:
Mar kale Samaale waxa uu soo daliishadey qiso kale oo cajiib ah, Waa qisadii Nebi Yuusuf (CS) Aabihii Yacquub (CS) iyo walaalihiis tii dhexmartey, Waalaalihiis waxay aamineen in Aabahood Yacquub uu ka jecel yahay Yusuf, sidaas darteedna ay mudan tahay in la dilo,ama la fogeeyo si ay keli ugu noqdaan Aabahood wejigiisa, kadibna iyaga wax la weydiiyo!, kii u weynaa walaalihiis ayaa diidey oo yidhi yeynaan dilin ee ceel aan ku ridno, si musaafiriin(safari) dalal kale u socdaa u helaan oo u qaataan!.
Wasiirkii Maaliyadda ee xilka baneeyey Samaale qisadan waxa uu ka wadaa in qolo Madaxweynaha dhegtiisa heshey ay u tashadeen, markii hore waxay go’aamiyeen in odayga daaqadaba laga saaro oo xilka laga qaado banaankana loo diro, laakiin kuwo kale ay soo jeediyeen maya ee Waxbarashadda aynu geyno haku sii nasto halkaas, qolodaasina ay u soo hadheen jaceylkii Madaxweynaha!!.
Qisada 3-Aad.
Qisada saddexaad ee Samaale soo daliishadey ayaa ah tii Sheekadii been Abuurashada (Xadiithul Ifki) ee Munaafaqii weynaa Cabdullaahi Ubayi bin-Salool uu kula kacay Mu’miniinta hooyadood Caas’sha Binti Abiibakar oo ahayd xaaskii Nebiga (NNKH), waxaana Ibnu Salool faafiyey in ay Sineysatey, taas oo Rabbi uu kaga barii yeeley Suuratu Nuur aayadaha ku jira.
Samaale ayaa soo qaadey talooyinkii nebigu dadka weydiiyey, waxaana uu si gaar ah u xusey markii nebigu (NNKH) talo weydiiyey Sayid Cali Bin Abii-dhaalib (RC), waxaan Sayid Cali ugu jawaabey “Haweenka Carbeed rabbi kuguma yareyn”, isaga oo u jeeda mid kale guurso iyana iska sii daa. Caa’isha colaadda ay Cali bini Abii-dhaalib u qaadey halkaas ayey ka soo bilaabantey, sida laga fahmi karo Samaale, Siilaanyo waxaa lagu yidhi Rabbi kuguma yareyn beesha ninkaas ee qof kale kala bax, colaadna waa kow.

Comments

comments

SHARE