Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Maaliyada Oo Maanta Xilkii Wareejiyay

167

Wasiirkii Hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale ayaa maanta xilkii wasaarada ku wareejiyay wasiirka cusub ee Samsam Cabdi Aadan.

Munaasibadan xil wareejinta oo lagu qabtay Xarunta wasaarada Arimaha gudaha somaliland ayaa waxa ka soo qayb galay,xubno ka tirsan wasiirada,shaqaalihii wasaarada iyo marti sharaf badan.

This slideshow requires JavaScript.

Ugu Horayn Munaasibadan loo sameeyay xil wareejinta waxa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada somaliland oo wasiirkii hore sagootiyay kan Cusubna soo dhaweeyay,waxaana uu ka waramay siday ay wasiirkii hore ula shaqayn jiray kaas oo ku tilmaamay wasiir kasoo baxay shaqadii loo igmaday.

“Aniga oo ku hadlaya Magaca Shaqaala Waynaha Wasaarada Maaliyada Halkan Maanta waxaanu ku sagootinaynaa Wasiirkii Hore ee Maaliyada waxaanan ku soo dhawaynaynaa Wasiirka Cusub Samsam Cabdi Aadan,Waxaanan wasiirka Cusub u Balan Qaadaynaa inaanu ula shaqayno Sidaanu wasiirkii Hore ulashaqayn jirnay,waxaanad wasiir ku soo dhawataa meel shaqadeedu adagtahay Shaqo,Shaqaale Diyaar Ah oo isku xidhan.

Wasiirka Wasaarada Gashaan-dhiga jamuuriyada somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa labada wasiir ee xilka lakala wareegay ku sifeeyay qaar xisbiga mucaarad-nimo iyo muxaafidba lasoo maray una soo dhabar adaygay waayihii iyo duruufihii ay lasoo mareen.

“Aduunka oo dhan khilaaf wuu dhacaa khilaaf fikri ah ayaa dhaca lakii somaliland waxa ay dadka ku dhaantaa iyo Xamarba  in ay ku filantahay wixii dhexdeeda ka dhaca saacado gudahood in ladhameeyo,waana tariikh aynu hore usoo marna,Maantana iyaga oo labada masuulba farax sanyihiininagu farax sanahay ayaynu halkan ku joognaa,waxaanan jecelay in Cadagii Somaliland Maanta Luqun Jab ku yahay.

Wasiirka Arimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa wasiirka Maaliyada ku sifeeyay Shaqsi ka shaqeeyay Kobac Dhaqaalaha Miisaaniyadana Gaadhsiiyay Meel Lamajiiran karo,waxaana uu ku tilmaamay wasiirka Maaliyada mid ka tirsan Xisbiga kulmiye.

“Halkan Maanta waxaan ku soo dhawaynaynaa wasiirka Maaliyada oo xilkii ku wareejinaya wasiirka cusub ee samsam cabdi aadan,cid waliba waa ogtahay sida uu kur ugu qaaday koboca dhaqaalah dalka,waxanan filayaa inaanu inaga dheeran doonin oo uu ka tirsan yahay xisbiga kulmiye,samaale hadaynu amaanay oo ragii ka tirsana oo dhaqaalihiina kordhiyay hablahana maxaad mooday marka dhaqaale eegno.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamuuriyada somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal iimaan ayaa isan ku dheeraaday siday ciidanku heeganka ugu jireen in ay lashaqeeyaan wasaarada maaliyada una ilaaliyaan Cashuurta,isaga oo cadeeyay in ciidanku gacan laxaadleh ka gaysan jireen arimaha cashuuraha,imikana diyaar u yihiin markasta in ay la shaqeeyaan Wasaarada Maaliyada.

Wasiiru dawlaha Wasaarada Maaliyada somaliland ayaa isna sheegay in Kobaca Dhaqaalaha ee inta uu wasiir samaale xilka hayay muuqday Aadna uu uga Xun yahay Xilka Qaadistaas ku dhacday soona dhawaynayo wasiirka Cusub ee Samsam Cabdi Aadan.

“Madaxwaynaha somaliland waxa uu nasiiyay amar cad waxaana uu noojeexay wado ah in aaanu samaynu bajad Am miisaaniyada baahiya somaliland bari ilaa galbeed hawd ilaa waqooyi isku xidha,miisaaniyadaas waxa sameeya gudi Madax Banaan oo wasiiro ku jiraan,wasiirkuna waxa uu odhan jiray waxaan u mahad naqayaa shaqaalaha wasaarada maaliyada,maantana waxaan anagu leenahay waxaanu u mahad naqaynaa wasiirka Maaliyada,waxanan leeyahay wasiir hanaga Tagin wasiiradu iyaga oon wakhtiigaba dhamaysan ayay xisbi kale galayaane.

Wasiirka Maaliyada somaliland Samsam Cabdi Aadan ayaa lacagta uu wasiir samaale ku wareejiyay dhantahay Lacagta somaliland(Lix iyo Lixdan Bilyan Sideed Boqol iyo Sadex iyo sodan Milyan iyo Todobo Boqol oo somalilnd ah ayaa ku jira,Khasnada Lacagta Dollarka Ah waxa ku jira (Lix boqol Saddex iyo Tobankun Sideed Boqol iyo Laba Dollar.

“wasiir Miisaaniyada 2015kan waxa ku jira Lix Milay oo Dollar oo layidhi waa in ay ka soo xerootaa iibka Hantida qaranka lacagtaasna waxa ka soo xeroota laba milyan Laba Boqol iyo Koob iyo Afartan kun sideed boqol iyo shan iyo sodan kun,waxaana jirta lacag ay wasaarada maaliyadu ku leedahay Baanka oo dhan(Sedex milay iyon Sideed boqol oo kun oo dollar)wasiir lacagta aad Maanta Halkan kula wareegtay waxa ay dhantahay(Sagaal iyo toban Milyan).sidaas ayuu yidhi samaale

Intaas waxa uu raaciyay.”Wasiir waxaanu kugu wareejinaynaa 38guri oo ka dhisan Lawya-cado ilaa Ceerigaabo,wasiir waxaanu kugu wareejinaynaa shaqaale jabsan oo aan leeyahay waxa Ka mudan oo kaliya askariga jiid hore jooga,Gadiidka wasaarada waxa ay dhan yihiin 63gaadhi 59tan gaadhi way shaqaynayaan 4gaadhi geerashka ayay ku jiraan,7gaadhina xaraashka ayaanu gaynay oo wasaarada hawlaha guud ayaa gacanta ku haysay.sidaas ayuu yidhi samaale.

Wasiiirka Maaliyada waxa uu sheegay inuu Xilku meerto yahay isla markaasna Maaanta xilka ku wareejinayo wasiirka cusub ee samsam cabdi Aadan waxaana uu ileehay uga baryay inuu xilkaas ku asturo,wasaarada maaliyadana waxa uu ku sifeeyay wasaarada dhaqaalaha dalka kor u soo qaaday,Ciidanka u Kordhisay Lacagta,Kobaca Dhaqaalaha kor u soo qaaday,wasiirka Cusubna ilaahay waxa uu uga barayay inuu xilka ku asturo.

Samsam Cabdi Aadan wasiirka Cusub ee Maaliyada Ayaa iyaduna Cabdi Casiis Maxamed Samaale kala Wareegtay Xilka waxaana ay ku Amaantay Kaalinta Muuqata ee uu gaadhsiiyay Kobac Dhaqaalah Dalka,waxaana u soo jeedisay inuu lashaqeeyo madaama uu waayo arag u yahay hawlaha maaliyada.

wasiirkii hore iyo wasiirka cusub ayaa xilka laka wareegay,munaasibada loo sameeyay oo ka dhacday wasaarada arimaha gudahuna waxa ay ku soo dhamaatay jawi dagan oo farxadi ka muuqato.

Comments

comments

SHARE