Safiirkii Maraykanka ee Kuuriyada Koonfureed oo la weeraray

Waxaa dhaawac soo gaaray safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kuuriyada Koonfureed kadib markii uu weerar kusoo qaaday nin ku hubeysan mindi.

Ambassador Mark Lippert ayaa subaxnimadii Khamiista ka qeyb galayey munaasabad ka dhaceysay bartamaha caasimada Kuuriyada Koonfureed ee magaalada Seoul.

Nin mindi ku hubeysan ayaa weeraray safiirka xili uu kursigiisa ku fadhiyey, ninkaasi ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Maraykanka iyo in la joojiyo dhoola-tuska ay sanad walba wada qabtaan ciidamada Maraykanka iyo kuwa Kuuriyada Koonfreed.

Ninka weerarka soo qaaday oo ku labisnaa dareeska hidaha iyo dhaqanka Kuuriyada, ayaa sheegay inuu doonayo in ay midoobaan labada wadan ee Kuuriyada.

Safiirka ayaa la sheegay in dhaawac kasoo gaaray wajigiisa iyo gacmaha waxaana la dhigay isbitaalka, walow la sheegay in dhaawaca soo gaaray uu yahay mid fudud.

Comments

comments

SHARE