War Deg Deg Ah: Wasiirkii Wasaarada Warshadaha Somaliland Abiib Timacad Oo Iscasilay.

wasiirkii wasaarada Warshadaha Xukuumada Siilaanyo Abiib Diiriye Nuur (Timacad) ayaa hada ku dhawaaqay inuu xilkii wasaarada iska casilay,waxaanu noqonayaa masuulkii saddexaad ee Xukuumada Siilaanyo iska casilay todobaad gudaheed.
Abiib Timacada ayaa shir jaraa;id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu ku shaaciyay inuu iska casilay xilkii wasaarada Warshadaha waxaanu qaaday dhabihii saaxiibkii uu maray Samaale,waxaa kale oo la sugayaa wasiiro kale oo iyaguna ku dhawaaqa inay iska casileen nidaamka hada jira oo aad u liita islamarkaana ay dumar taladii la wareegeen.
Abiib Timacad ayaa waxa ay saxiibo dhaw ahaayeen wasiirkii wasaarada Maaliyada Cabdicasiis samaale oo isna laba cisho ka hor iska casilay wasaarada Waxbarashada oo loo wareejiyay, waxaa horeba loo raajicanayay inuu xilka iscasilo Abib timacad isagoo ay isku mawqif iyo mabda’ ahaayeen samaale

warkaasi oo faah faahsan hadhaw ayaan idiin soo gudbin doonaa.

 

Comments

comments

SHARE