Xog:Faashilka Liiskii Saxda Ahaa Ee La Isla Ogaa Ee Isku Shaandhaynta Oo Soo Shaacbaxay In La Badelay Inyar Ka Hor Intaan Warbaahinta Loo Gudbin.

“Isku Badelka Lagu Sameeyay Wasaaradaha Qaar Oo La Sheegay Inaanay Ku Jirin Liiskii Madaxweynaha U Diyaarsanaa Ka Hor Intaanu Berbera Tagin”.

Hargeysa(Wargane) – Sida xogo faah faahsan oo ku saabsan hanaankii ay soo martay isku shaandhayntan muranka keentay aanu ku helnay Waxa si weyn tuhun looga qabaa in dib laga badelay liiskii la isku ogaa ee markii hore madaxweynaha u diyaarsanaa ee uu damacsanaa inuu ku dhawaaqo markuu Berbera ka soo noqdo,islamarkaana waxa la aaminsan yahay in dib laga sameeyay liiskan dambe ee lagu dhawaaqay ee isfaham waaga ka dhex abuuray Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo rag miisaan culus ku lahaa Golihiisa wasiirada,arintaasi oo quluubta Axsaabta Mucaaridka soo jiidatay.
Sida ilo lagu kalsoon yahay oo madaxtooyada ka soo baxay oo wargeyka Foore soo gaadhay aanu ku helnay waxa jiray liis madaxweyne siilaanyo diyaarsaday ka hor intaanu Gobolka saaxil ee Berbera safarka ku tagin liiskaasi oo sida la sheegay aanay ku jirin isku badelka lagu sameeyay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Muxumed Samaale iyo wasiirkii hore ee wasaarada Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,waxaana la sheegay in isku badelkooda aan la isku ogayn oo aanay qorshaha madaxweynaha ugu jirin isku badelka labadaasi wasaaradood balse sida la aaminsan yahay ama faah faahintan aanu kul helnay, inyar ka hor intaa lagu dhawaaqin isku shaandhayntan la dhaqan galiyay waxa si qarsoodi ah loogu daray labadan masuul liiska wasaaradaha la isku badelay,arintaasi oo u cuntami wayday wasiir samaale oo sida la sheegay ka sii war hayay liiskii hore ee madaxweynaha u diyaarsanaa oo uu is ogaa inaanu ku jirin balse dad ay siyaasada isku hayeen ka sii faa’iidaysatay oo ay sidani wax u gashay.
Inta badan masuuliyiinta dawlada ee galaangalka ku leh madaxtooyada oo laba cisho ka hor sii hayay liiskii hore ayaa wax iska waydiiyay waxa ku dhacay isku shaandhayntii hore halka qaarkood afka furaysteen,waxaanay arintaasi si gaar ah u taabatay wasiir Samaale oo aad uga gilgishay dhagarta loo maleegay islmarkaana ka soo cararay Magaalada Burco oo uu hawlo shaqo ku joogay,waxa sidoo kale ay saamayn war war leh ku abuurtay sida la sheegay wasiirka madaxtooyada oo la sheegay inuu aad uga xumaaday waxa dhacay ee aanay sharaxi karayn,waxaanay intooda badan galeen gadh iyo gafuur haysasho.
Warar kale ayaa sheega in liiska isku shaandhaynta ee hore u diyaarsanaa aanu ku jirin wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Awdaahir oo safar ugu baxay dalka Turkiga oo uu u raacay waftiga Somaliland ee Wada hadalada Soomaaliya,si weyn ayuu isna uga gubtay waxaanu halkaasi sida la sheegay ka soo diray iscasilaadiisa xilka cusub ee loo wareejiyay ee Wasaarada Qoyska.
Xigasho Foore

Comments

comments

SHARE