Wasiirkii Hore Ee Xanaanada Xoolaha Oo Beeniyey Inuu Is-casilay

Wasiirkii hore Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr.Cabdi Aw-Daahir ayaa ka hadlay Wararka sheegay inuu ku gacan saydhay Xilka Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo uu Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Wasiir Cabdi Aw-Daahir ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo ku baahiyay Bogiisa Facebooka, waxaanu yidhi “Warka ay Warbaahintu qortay ma jiro. meel ay ka keentayna garan maayo”.

Qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa maanta qortay in wasiirkani noqday wasiirkii labaad ee is casilay ka dib markii uu Cabdicasiis Samaale ka cudurdaartay xilkii wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

Dr.Cabdi Aw-daahir ayaa hore u ahaa wasiirka Xanaanada Xoolaha oo uu hayay tan iyo markii uu Xisbiga Kulmiye talada Dalka qabsaday. Ugu dambayn Isku Shaandhayn uu Madaxwaynuhu soo saaray 28-kii bishii February ayaa loogu bedelay inuu qnodo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Comments

comments

SHARE