WAR DEG DEG AH:-Wadahadalkii Somaliland & Somalia ee Istambuul oo Burburay.

wadahadalkiii

Wararkii ugu dambeeyay ee Mareegta wargane ka helay Magaalada Istambuul ee Dalka turkiga ayaa sheegaya inay burbureen wada hadalkii Istambuul ay ku qaadan lahaayee Somaliland iyo Dawladda Federaalka ah ee Somalia.

Burburka wadahadlka ayaa yimid kadib markii laysku mari waayay qaabka Ergada dawladda Soomaaliya ay usoo xushay ergada ku matalaysa shirkaas, waxaana Dawladda Somaliland ay diiday arinka ergada.

Dawladda Somalia wali war kama soo saarin Burburka wada hadalka, balse Dawaldda  Somaliland ku eedeynaysa inay mas’uul ka tahay burburka wadahadallada kadib markii ay Somaliland ku adkaysatay inaysan la fadhiisanayn xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira ergada dowladda Somalia .

Dhanka kale Dalka Turkiga oo isku keenay ergada labada dhinac ayaa wali war kasoo saarin burburka wadahadalka ay qaadan lahaayeen Somalia & Somaliland.

Comments

comments