War Deg Deg Ah: Theatre-kii Hargeysa Oo Rasaas ka Bilaabantay

Theatre-kii Hargeysa ayaa muran xoogani ka soo cusboonaaday waxaana hada la maqlayaa dhawaaqa rasaasta ka dhacaysa theatre ka, siday wararku saaka nagu soo gaadhayeen waxa iskugu hub urursanaya laba beelood oo wada dega Bariga magaalada Hargeysa,kuwaasi oo midba midka kale ugu diyaar garoobay inuu rasaas iskaga caabiyo xaaladaasi oo reer Hargeysaad oo dhami hada u dheg taagayaan.
Arintan ayaa la sheegay inay ka bilaabantay kadib markii ganacsade Cumar Caydiid oo hore dawladu uga qandaraastay inuu maalgashado theatre-ka uu ku soo duulay nin lagu magacaabo Suldaan Habaar,kaasi oo degay dhisme ka tirsan tiyaartarka lagu wareejiyay ganacsadaha waxaana la sheegay inay xukuumadu arintaasi gaabsatay islamarkaana ay isku daawanayso dhibta ka soo socota arintaasi.
Cumar caydiid ayaa la sheegay inuu amar ku siiyay suldaan Habaar inuu iskaga baxo dhismahan tiyaatarka ee qandaraaska loo siiyay kaasi oo uu ka diiday islamarkaana uu suldaan Habaar u qaylo dhaan dirsaday Beesha u ka soo jeedo ee Isaxaaqa oo la sheegay inay ku hub urursanayaan meel u dhaw Theatre,waxa iyaguna dhinacooda u soo hub urursaday beesha uu ka soo jeedo Cumar caydiid ee Ciidagale waxaana loo dheg taagayaa dhawaqa rasaasta oo bilaabanta.

Source: Baarcadeeye

Comments

comments

SHARE