Samaale Oo Diidmadii Xilka Loo Magacaabay Ku Kasbadey Sumcad Iyo Magac Weyn Bulshadana U Iftiimayay Dareeno Isbarkanaa

410

DSC_0123-620x330

Sikasta, oo ay taheyba Rayul-caamka Bulshada Somaliland ayaa guud ahaanba soo dhaweeyay go,aanka adag ee uu qaatey Wasiirkii hore

Wasiirkii Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa shakhsiyadiisa iyo doorkiisa Siyaasadeed ku muujiyay  Mowqifka adag ee uu ka qaatey xilka Wasaarada Waxbarashada oo loo Magacaabay islamarkaana, lagu badelay Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, arintaas oo Samaale u arkey in aanay aheyn go,aan la qaadan karo oo milgihiisa aan aheyn marka laga tixraaco doorkiisa uu ku lahaa Golaha Xukuumada,iyadoo aanu isku badelkani aheyn sida uu hadalkiisa u sarbeebay go,aan rasmi ahaan uga soo baxey Madaxweyne Siilaanyo oo aanay kawada tashanin haseyeeshee daqiiqadihii u dambeeyay ay kawada hadleen howlaha shaqada uu hayay oo kaliya.
Sikasta, oo ay taheyba Rayul-caamka Bulshada Somaliland ayaa guud ahaanba soo dhaweeyay go,aanka adag ee uu qaatey Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale,

kadib markii si qoto dheer loo dhugtey jawaabta uu ka bixiyay xil ka loo magacaabay iyo nidaamka loo marey xilka Wasaarada Maaliyada ee laga wareejiyay, oo marka hoos loogu dhaadhaco ku taxaluqda dano kasokeeya fikirka Madaxweynaha hore ugu igmadey xilkan.

Marka dib loogu noqdo doorka Siyaasadeed ee uu Wasiir Samaale ku lahaa Golaha Xukuumada Siilaanyo,ayaa ah mid  aan habayraatee ka qarsoonayn Bulshada Somaliland taas oo khudabdihiisa oo kali ahi ku ahaayeen miisaan aan la qiyaasi karin oo hal celin u ah mar kasta barnaamijyada Siyaasadeed iyo tlmaan laga bixiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadiisu waxa ay kaga duwan yihiin Xukuumadihii ka horeeyay taas oo sida loo fahamsiinayo shacbigu ku adkeyd inta ugu badan ee Muxaafidka Madaxweyne Siilaanyo haseyeeshee, fariinteedu mar walba iyo goor kasta iyo madal kasta ilaahay u dhib yareeyay Cabdicasiis Samaale Tusaale ahaan Wasiirka lagu badelay ee Wasaarada Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, waxa ay Wasiir Samaale boqolkiiba boqol kaga fiicneyd sida warka hoose loo gudbiyo laakiin marnaba lagama yaabo in ay madal ka gudbiso hadal la qaadan, karo oo Bulshadu fahamkiisu u dhaadhaco, dhinaca kalena Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo loolan adagi ka dhexeeyay Wasiir Samaale, ayaa marka uu ka hadlayo madal islamarkaana, Siyaasada Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye weedhiisa ka dhiibanayo,waxa dadka is barbar dhiga ku sameeya khudbadaha Masuulyiintu ku tilmaami jireen in faraq Weyni u dhexeeyo codkarnimadooda,inkasta oo aan maanta la maseyn karin Go,aanka uu qaatey Samaale marka loo eego waxay taasi dhibco dheeraad ah u kordhinaysaa in lagu kala calool adag yahay Arimaha Siyaasada.
Marka la isku soo ururiyo soo dhaweynta rayulcaamka Bulshada Somaliland ku qaabileen Go,aanka Cabdicasiis Maxamed Samaale ka qaatey Xilka cusub ee loo magacaabay waxey daaha ka rogeysaa in ay talabaadaasi u noqotey mid uu ku kasbadey sumcad iyo miisaan culus oo magaciisu ku dhex yeesho Bulshada Somaliland iyo doorkiisa Siyaasada intaba iyadoo muujineysa in aanu cidna magan uga aheun doorkiisa Siyaasadeed,waxa ay umuurtani marka doc kale laga eego  Madaxweyne Siilaanyo  ku noqoneysaa raadadka Taariikhda madoobi ka raaceyso hogaamintiisa Xiligan sababtoo ah marka nuxur ahaan hoos loogu daadago iskubadelka xilkaqaadista iyo Magacaabistan u dambeysay ee awoodiisa kusoo baxdey, oo loo badinayo in uu Madaxweynuhu bari ka ahaa habdhaceeda islamrkaana, waxa kale oo labadii maalmood ee dhacdadani taagneyd si aad ah loo hadal hayay Gobolada iyo Degmooyinka dalka iyo Waliba inta ugu badan ee qurba jooga Somaliland goobaha fikradaha kulanka dadweynaha lagu bandhigo ee facebook intaba, in Iskubadelka labada Wasiir ee Maaliyada iyo Waxbarashadu aheyd nidaam ku dhisan dano gaar ahaaneed oo ka baxsan gacanta Madaxweynaha laakiin ka ag dhow marka dib loo raaco Saaxiibtinamdii waayihii Ngoga CCS ka dhexeyn jirey Marwada Madaxweynaha iyo Samsam Cabdi Aadan oo isku soo shaqeeyay taas oo xaqiiq ahaana kabaxsan sifaha Dowladnimo nuqsaana ku ah Qaranimada Somaliland, inkastoo aan la garaneyn in Xukuumadaha ka dambeeya Dowlada Siilaanyo kaga dayan doonaan nidaamka maanta taagan iyo inkale Xukuumadu dhabarka uga jabeyso go,aanka adag ee Wasiir Samaale ka qaatey,waxaana la saadaalinayaa, in ay tani ku noqon karto tusbax furtey in Masuuliyiin badani jid raacdo wadada uu marey marka ay si cad ugu dhadhanto in Madaxweynaha magacaabay aaney ka helin doorkii ay ka filayeen iyo kii ay ku lahaayeen balse ay jiraan awoodo wehelinaya oo aan Siyaasadooda waxba u arkeyni, waxaana dad badani isha ku hayaa Wasiirkii hore ee Wasaarada Xanaanada Xoolaha oo la geeyay Wasaarad kale,iyo Masuuliyiin kale…… Lasoco qeybaha dambe.

 

Comments

comments

SHARE