DAAWO: Waraysi Uu Tv-ga Qaranka Siiyay Samaale Shan Sacadood Ka Hor Badelkiisi Oo Laga Dheehan Karo In Aanu Waxba Ka Ogayn Qorshihii Wasaarada Lagaga Wareejiyay.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo kamid ah Wasiirada ugu miisaanka culus Xukuumadda, si weyna ay isugu dhawaayeen Madaxweyne Axmed Silaanyo muddo dheer, ayaa waraysi uu siiyay Tv-ga Qaranka,  5: 30pm, Galabnimo Maalintii Sabtidii, Tariikhduna noqonaysay 28/2/2015, waxaa laga dheehan karayaa ogaansho la’aantiisa la xidhiidha badalkii lagu sameeyay. Wakhtiga uu Samaale bixiyay Waraysiga ayaa ahayd Galabnimada habeenkii xilka laga badalay, iyadoo ay u dhaxaysay xiliga uu Waraysiga bixiyay iyo wakhtiga loo sheegay warka badalaadiisa saacado.

Geesta Kale Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuu Waraysigaas ku soo bandhigay jawaabo ay ka muuqanaysay Kalsooni badan oo uu ku qabay Madaxweynaha, isagoo isku haleeyn xoogan ka dugsanaayay muddadii dheerayd ee ay Xisbiga KULMIYE ku soo wadajireen iyo Saxiib tinimadoodi gaarka ahayd, marka la eego siduu u jawaabaayay. FG: Mud. Samaale wuxuu wakhtiga uu Waraysiga bixiyay ku sugnaa Magaaladda Burco, isagoo ku jiray Safar shaqo oo la xidhiidha Wasaaradda Maaliyada.

Comments

comments

SHARE