Wasiirkii Ugu Wax Qabadka Badnaa Xukuumada Siilaanyo Oo is Casilay

Wasiirkii Ugu Wax Qabadka Badnaa Xukuumada Siilaanyo Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa Si Rasmi Ah codkiisa Saaka Ugu Shaaciyay Inuu Iska Casilay Xilkii Loo Wareejiyay ee wasaarada Waxbarashada waxaa kale oo uu Sheegay In Wixii Qaldamay Dib Laga Ogaan Doono uu waliba madaxweynuhu dib ka ogaan doono.

wasiirkii ugu wax qabadka badnaa xukuuumada Siilaanyo ee qasnadaha dawlada buuxiyay ayaa si toos ah saaka codkiisa looga dhagaystay VOA iyo BBC-da,waxaanu ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen iyo wax wakhtigan oo uu wax weyn qabtay loo farogaliyay,waxa uu sheegay inuu uu hawlo shaqo ugu maqnaa gobolada Bari ee Somaliland waxaanu sheegay in isaga oo Burco ku sugan arintani dhacday,waxa uu ku cel celiyay in qalad jiro oo qaladkaasina la ogaan doono,waxa uu sheegay in arintani si weyn u dhaawacday xidhiidhkii ka dhexeeyay madaxweyne siilaanyo balse uu ogaan doono waxa uu wasiirku diiday oo ah hanaanka loo maray wasaaradii maaliyada ee laga wareejiyay ama xil wareejintan lagula soo booday.

wasiir samaale ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaan u sheegayaa umada somaliland iyo madaxweyne Axmed Maxamed inaan qaadan xilkaasi cusub ee la ii magacaabay,waxa haboon in la tixgaliyo qofka dareenkiisa,in la tixgaliyo qofka rabitaankiisa,waxaan u arkaa in madaxweynu dareenkayga iyo saaxiibtinadayadii,iyo wixii aanu isla soo marnay intaba aanu qiimayn,qadiyaduna maaha labada wasaarada oo makala duwana oo wax farqi ah oo u dhexeeyaa majiro,sidaa la ajligeed xilkaasi Cusub(wasaarada waxbarashada) ma qabanayo,islamar ahaantaana xilkii wasaarada maaliyadana si dhakhso ah ayaa u rabaa inaan u wareejiyo,madaxweynaha waan u mahadnaqayaa wada shaqayntii wanaagsanayd ee naga dhexaysay,waxa qaloocsamay ee qaldamayna madaxweynuhu inuu ogaan doono ayaan filayaa”.

waxa kale oo uu yidhi “madaxweynaha runtii hadabada waanu isku dhaw,waxaanse arkayaa inay jiraan wax hada qarsooni oo soo bixi doona inay jiraan,aniga wali waa madaxweynahaygii,walaaltinimadii iyo kalgacalkii naga dhexeeyayna waa sidoodii,waxaana u hayaa kalgacal aad u wayne”.
waxa uu ka hadlay hankiisii madaxweyne waxaanu yidhi “sidii ayuu hankaygu yahay iyo si kasii saraysa,mawqifka aan qaatayna waxaan qabaa inuu wax tari doono hankii aan lahaa,hankaynu sidii iyo si ka wanaagsan weeyi,Xisbiga kulmiye kama tagayo waa xisbigaygii waanan joogayaa laakiin waxaan gartay inaanan xukuumadan xil dambe ka qaban oo aan iska nasto”. ayuu Cabdicasis Samaale ku soo koobay hadalkiisa.

Comments

comments

SHARE