Wasiirkii Hore Ee Xannaanada Xoolaha Loona Wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Qoyska Cabdi Aw Daahir Oo Is Casilay

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin balse shabakada HALBEEGNEWS ka heshay ilo ku dhaw dhaw wasiirkii hore ee xannaanada xoolaha loona wareejiyey wasaaradda shaqada iyo qoyska Cabdi Aw Daahir ayaa xaqiijinaya inuu diiday inuu aqbalo xilka cusub ee loo magacaabay.

Mudane Cabdi Aw Daahir ayaa wararku tibaaxayaan inuu saluugay xilka cusub ee loo magacaabay, iyadoo markii hore wasaaradda uu joogay ee xannaanada xoolahu ay ahayd darajada “B” hadda loo soo dhaadhiciyey darajada “C” oo ah wasaaraddani shaqada iyo qoyska oo lagu tilmaamo wasaaraddaha ugu liita oo aan lahayn hawl rasmi ah oo ay qabato, maadama labada xil ee ay ku magacaabtantahay oo midi yahay shaqada, ay qabato haayadda shaqaalaha dawladda, midka kale ee horumarinta qoyskuna ay qabtaan labada haayadood ee NEGAAD iyo NAW oo ah labada haayadood ee qarranka u xil saaran arrimaha qoyska.

Warar ku dhaw dhaw oo aanu hellayno ayaa tibaaxaya inuu saaka qaar ka mid ah golaha wasiiradda iyo xubnaha ku wehelinaya safarka dalka Turkiga oo Mudane Cabdi aw Daahir ka mid yahay ergada Somaliland u matalaysa wada hadaladda Soomaaliya lala leeyahay uu ku yidhi “waar adeer anigu marka horaba waan sii laaladay, ilaahayba i lahe haween ma dhex fadhiisan karo, aniga nacas noqday oo is casili garan waayey eh, imikana hawshaydii aan bartay oo aan dayacay ayaan u madax banaananaya” ayaa ka mid ahaa hadaladda laga soo xigtay.

Lama garan karo in Cabdi Aw Daahir lagu qancin doono markuu soo laabto inuu xilka ku negaado iyo inuu si rasmi ah xilka wasaarada cusub u diidi doono uguna adkaysan doono go’aankiisa.

Source: Halbeeg News

Comments

comments

SHARE