War Deg Deg Ah: Ilaa Toban Wasiir Oo Balan Ku Qaaday Inay Isla Casilayaan Samaale Iyo Siilaanyo Oo Ay Talo Ku Baahday Caawa.

wararka naga soo gaadhaya Madaxtooyada Somaliland oo uu ka socdo shir ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah wasiirada ay isku xulafada ahaayeen Wasiirka maaliyad Somaliland Md Cabdicasis Samaale ayaa laga soo waramayaa in kadib markii wasiir samaale diiday inuu qaato xilka cusub ayaa wasiiro toban kor u dhaafaya oo ay isku xulufa yihiin caawa nidar ku galeen inay xilka isaga tagayaan hadii arintaasi cabdicasis wax laga qaban waayo.

wasiiradan ayaa si weyn uga xumaaday qaabka loo maamulay isku shaandhayntan xalay oo la sheegay inay anshaxa ka baxsanayd islamarkaana lagu kordhiyay shaqsiyaad aanu madaxweyne siilaanyo waxba ka ogayn.
madaxweyne siilaanyo ayay caawa talo ku ciirsan tahay waxaanu ku jiraa beerka jecli,Xaydha jecle waxaanu ku mashquulsan yahay wixii caawa ku qancin lahaa wasiiradaasi nidarka ku galay inay iscasilayaan.

Comments

comments

SHARE