“Dawladda Soomaaliya Waxay Damaanad Qaadaysa Inay Fuliso Heshiis Kasta Oo Ay Dawladda Somaliland Wada Galaan”. War-saxafadeed Xukuumadda Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay diyaar u tahay dar dar gelinta wada hadalada ay kula jirto Dawladda Jamhuuriyadda  Somaliland, iyadoo la tixraacayo heshiiskii ay ku saxeexen dalkaasi  Jabuuti bishii December Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jamhuuryadda  Somaliland.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in magaalada Istanbul ay u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaasi Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka kooban Wasiiro, Xidlhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

“Wafdiga loo diray Istanbul waxay damaanad buuxda ka haystaan Dawladda Federaalka  Soomaaliya, waxaanyna  caddeynayaa in uu diyaar u yahay in waftiguu la fadhiisto Wafdiga Somaliland oo isaguna ku sugan Istanbul si loo guda galo wada xaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac”ayaa lagu yidhi war saxaafadeedka ka soo baxay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wada hadalada u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa maanta oo Axad ah ka furmi doona magaalada Istanbul, iyadoo muddo saddex maalin uu soconayo wada hadaladan oo looga hadli doono arrimaha masiiriga ah.

Ugu dambeyn war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga mahadcelineyso Dawladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac.

Comments

comments

SHARE