Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo gobolka Bakool kula Dagaalamay Al-shabaab

Deegaanka Ceelbaar ee gobolka Bakool ayaa maanta waxaa dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka oo garab ka helay kuwa AMISOM iyo Xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Khasaaraha dagaalkan oo aan si madax banaan loo heli karin ayaa dhanka dowladda federaalka sheegteen in Al-shabaab ka dileen ilaa sideed ka mid ah Xoogaga Al-shabaab ee dagaalka ay la galeen sidaas waxaa saxaafada u sheegay Taliyaha Ciidamada dowladda ee gobolka Bakool Gen. Cabdiraxmaan Maxamed.

Dhinaca kale warbaahinta Afka Al-shabaab ku hadasha ayaa lagu baahiyey guulo ay ka sheeganayso Ururka Al-shabaab dagaalkan Bakool iyagoo xusay in askar iskugu jira ciidamada dowladda iyo AMISOM ku dileen dagaalka.

Gen. Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid ka dib markii ciidamada dowladda iyo AMISOM ka warheleen in xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ay ku sugan yihiin deegaanka uu dagaalka ka dhacay ee Ceelbaar.

Ciidamada Dowladda federaalka iyo AMISOM ayaa dagaalo badan kula galay Ururka Al-shabaab gobolka Bakool iyagoo ka saaray deegaamo ay ku sugnaayeen ururka Al-shabaab.

Comments

comments

SHARE