Carwada Ganacsiga Haweenka Itoobiya ee ka Furantay Hargeysa oo si Wayn loogu Ammaanay Shirkadaha Dahabshiil Group

199

Hargeysa (Wargane)- Carwada Ganacsiga Isu-tagga Dumarka Itoobiya (EWA) oo markii ugu horreysay lagu soo bandhigay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa si wayn loogu ammaanay shirkadaha Dahabshiil Group kaalinta ay ka qaadatay hirgelinta carwadan iyo doorka ganacsi iyo horumar ee ay ku leedahay gobolka Geeska Afrika.

Carwadan oo ka furtantay huteelka Crown ee magaalada Hargeysa maanta, waxa guud ahaan maalgeliyey kharashka ku baxaya muddada ay socoto shirkadda Dahabshiil, gaar ahaan qaybta E-Dahab ee adeegga lacagta lagu isticmaalo moobillada, waxa xaflad loo sameeyey daah-furka carwadan ka qaybgalay Agaasimayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Somaliland – Maxamed Xasan Siciid iyo Maxamed Sheekh Ismaaciil, masuuliyiinta Rugta Ganacsiga Somaliland, madax ka kala socotay qaybaha kala duwan ee shirkadaha Dahabshiil Group, madax iyo wakiillo hoggaaminaya carwada reer Itoobiya iyo marti sharaf kala duwan.

This slideshow requires JavaScript.

Masuuliyiinta iyo dadkii kale ee ka hadlay xafladdaasi, ayaa siyaabo kala duwan u ammaanay Dahabshiil Group, gaar ahaan waxqabadkeeda arrimaha bulshada iyo isku-xidhka horumarka guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, iyadoo wakiillada Carwada dumarka Itoobiya sheegeen in aanay marnaba u suurtogasheen qabashadeedu haddii aan shirkadda Dahabshiil ka taageerin maalgelinta. Waxa kaloo si gaar ah loo bogaadiyey adeegga E-Dahab oo lagu tilmaamay mid wax-ka-beddelay oo sahlay dhaqdhaqaayada lacagahooda oo ay baahi wayn u qabeen, isla markaana is-diiwaangelinta dadweynaha ee adeeggan waxa si xoogga looga dareemayey madasha carwadu ka socota.

Haween magaceeda la yidhaa Hadia M Gondji oo ah aasaasaha Bangiga ENAT ee Itoobiya, kana mid ah qabanqaabiyayaasha carwadan ka kooban wax-soo-saarka haweenka dalkaasi, ayaa si wayn ugu mahadnaqday Dahabshiil Group oo ay xustay taageeradooda la’aanteed waxba u qabsoomeen, isla markaana ay tahay shirkad caalami ah oo bangigeeda xidhiidh wadashaqayneed ka dhexeeyo, iyadoo tilmaantay in carwadani fure u noqonayso xidhiidh ganacsi badan oo dhexmara labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya.

Madaxa Suuqeynta Dahabshiil ee Laamaha Hargeysa Axmed Dool oo xafladda ka hadlay, ayaa ka warramay qaybaha shirkaddani ka kooban tahay iyo adeegyada ay qabtaan oo ay kaga shaqeeyaan dhammaan daafaha dunida oo dhan, isagoo si gaar ah u tilmaamay in xidhiidh wanaagsan oo wadashaqayneed kala dhexeeyo bangiyo badan oo ku yaal dalka Itoobiyo, isla markaana sababta Dahabshiil Group u maalgelisay carwadan ku macneeyey dhiirigelinta isu-socodka iyo horumarka ganacsiga ee Gobolka Geeska Afrika.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sheekh Ismaaciil, ayaa soo dhaweeyey carwadan oo uu xusay in faa’iido ballaadhani ugu jirto labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya oo is-waydaarsan kara waxyaabo fara badan oo ganacsi ah.

DSC01191 DSC01185 DSC01181 DSC01134 DSC01109 DSC01104 DSC01109 DSC01104 DSC01375

Waxa kaloo uu bogaadiyey kaalinta Dahabshiil Group kaga jirto arimaha horumarka guud ahaan shucuubta ku nool dalalka Geeska Afrika “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa adeegga E-Dahab oo isaga oo mudo kooban uun sida aan la socono suuqa ku jiray haddana aad arkaysaa durba dardartiisa iyo waxqabadkiisa arrimaha bulshada,” ayuu yidhi Agaasime Maxamed Sheekh Ismaaciil.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Xasan Siciid, ayaa isna tafaasiil ka bixiyey xidhiidhka dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, waxaannu hoosta ka xariiqay sida loogu baahnaa bandhigyada ganacsi ee carwadan oo kale ahi inay dhexmaran labada dhinac, waxaannu ku hambalyeeyey Dahabshiil sida ay hormoodka uga noqotay fududaynta carwadii u horreysay ee dumarka Itoobiya ku soo bandhigaan Somaliland.

Comments

comments

SHARE