Madaxweynaha Somaliland Oo Saaka Safar Ugu Baxaya Berbera

268

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa saaka u socdaalaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu maanta furo dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey gegeda diyaaraduhu ka haadaan ee magaalada xeebeeda Berbera.

Socdaalka madaxweynaha waxaa ku wehelinaayo marwadiisa, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dalka.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la sheegay in socdaalkoodu qaadan doono laba maalmood.

Comments

comments