Somalia: Ciidamada Dowladda Federaalka oo sheegay in 5 Askari kaga dileen Al-shabaab Gobolka Bakool

222

Taliyaha Ciidamada Dowladda Federalka ee Gobolka Bakool Col. Cabdiraxmaan Maxamed Timacade ayaa ka warmay Dagaal ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ku qaadeen koox ka tirsan Ururka Al-shabaab .

Timacade ayaa sheegy in ciidamada dowladda ay dagaalkaa ku dileen ugu yaraan shan ka mid ah ururka Al-shabaab ayna ka dhaawaceen tiro in taa la’eg, wuxuuna sheegay in ay ciidamada dhankooda ay sooo gaartay dhaawac labo askari oo ciidamada dowladda.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in maalmahan ay galayaan howl gal lagu sugayo amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo oo uu sheegay in dhankooda ay ilaalin doonaan 45 Km oo ka mid ah wadada.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ku qaada gaadiidka dowladda ee sticmaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalkan.

 

Comments

comments