Putin oo booqasho ku jooga Masar

290

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa Isniintii shalay booqasho ku tagay magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Putin ayaa soo dhaweyn diiran kala kulmay dhigiisa Masar Cabdifatax Al Sisi, booqashada hogaamiyaha Ruushka oo ah tii ugu horeysay muddo 10 sano ah oo uu ku tago dalka Masar ayaa qaadan doonta laba maalmood.

Booqashada Putin ee Masar ayaa qeyb ka ah safarada uu hogaamiyaha Ruushka doonayo inuu ku tago dalal kamid ah dunnida sadexaad si uu u xoojiyo xiriirka Ruushka iyo dalalka soo koraya.

Dowlada Ruushka ayaa dhawaan qandaraas dhanka hubka ah la gashay xukuumada militariga Masar, xili dalka Ruushka uu cadaadis iyo cunaqabateyn uga imaaneyso dalalka reer Galbeedka.

Ruushka ayaa doonaya inuu xoojiyo ganacsiga iyo iskaashiga uu laleeyahay dalalka Afrika iyo Aasiya si uu uga soo kabto hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihiisa tan iyo intii ay bilaabatay xiisada ka taagan dalka Ukraine.

Comments

comments