Kuuriyada Waqooyi oo markale tijaabisay Gantaalo

250

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa Axadii shalay tijaabisay 5 gantaal oo ah kuwa ridada dhexe ah, kuwaasi oo kusoo dhacay bada.

Tijaabinta gantaaladan ayaa lagu soo beegay xili dhawaan lagu wado in Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay si wadjir ah u sameeyaan dhoolatuskooda militari ee sanadlaha ah.

Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaamta dhoolatuskaasi Maraykanka iyo dalka jaarka la ah wada sameeyaan inuu yahay mid khatar ku ah amnigeeda.

Comments

comments