Mareykanka oo duqeyn ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab

326

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa shaaciyey in duqeyn diyaaradeed lagu dilay sarkaal muhiim ah oo ka tirsan ururka xagjirka ah ee al-Shabaab.

Duqeyn sabtidii lasoo dhaafay ka dhacday Koonfurta Soomaaliya oo ay geysteen diyaaraddaha nooca aan duuliyaha lahayn ayaa waxaa ku dhintay madaxii al-Shabaab ee howlgalada dibadda ( External operations) oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Deeq.

Sarkaalka ka tirsan waaxda The Pentagon ee difaaca Mareykanka oo diiday in uu magaciisa sheego sababo la xiriira in uusan ogolaansho u haysan faafinta warkan ayaa wargeyska The Washington post u xaqiijiyey dhimashada sarkaalkan ka tirsanaa al-Shabaab oo u sheegay in lagu dilay meel ku dhow degmada Diinsor.

Wuxuu intaas raaciyey Sarkaalka Wasaaradda difaaca Mareykanka in duqeynta ay dhacday xilli uu kolonyo la socday madaxii howlgalada arrimaha dibadda ee al-Shabaab oo uu marayay meel ku dhow degmada Diinsoor.

Xilligaas waxaa la socday dagaalyahano kale oo ka tirsan ururka al-Shabaab lamana oga khasaaraha kasoo gaaray weerarka.

Yuusuf Deeq ayay sheegeen saraakiisha milateriga Mareykanka in dhowaan loo dhiibay xilkaas isla markaana maamulo maleeshiyada qaabilsan in weeraro ka geystaan wadamada deriska ah.

Ururka al-Shabaab ayaa weli wax war ah kasoo saarin duqeyntan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo Mareykanku ku dilo sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab tan iyo bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay.

Bishii September ayaa weerar ay geysteen diyaaraddaha drones-ka lagu dilay Hogaamiyihii hore ee al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, waxaana sidoo kale bishii lasoo dhaafay ee December la dilay Madaxii Sirdoonka al-Shabaab Tahliil Abdishakuur kadib duqeyn ka dhacday degmada Saakow.

Comments

comments