“Qunsulka Turkiga U Fadhiya Hargeysa, Wuxuu Nagula Taliyey Inaan Somaliland Iyo Soomaaliya Noqdaan Laba Waddan Oo Jaar Ah…….” Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Somaliland

261

Wasiirka Wasaaradda Arriimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo doraad dalka ku soo laabtay ka hadlay waxa taageerada Turkigu u fidinayo Soomaaliya ay yeeli karto dhexdhexaadintii  Somaliland.

Wasiirka oo la waydiiyey waxa uu ka odhanayo walaaca xisbiyada Qaranku ka muujiyeen sida aadka ah ee Turkigu u garab istaagey Soomaaliya, ayaa sheegay inay arrimahaasi kala hadleen Qunsul Turkiga u qaabilsan Somaliland, isla-markaana uu kula taliyey inay Somaliland iyo Soomaaliya noqdaan laba dal oo jaar ah.

Wasiirku wuxuu sheegay inay Turkiga kala hadleen qadiyadda Somaliland iyo halka ay taagan tahay waxaana uu sheegay inay arintaas Turkigu ku qancay waxaana hadalladiisi ka mid ahaa ”Waxaa nasiib wanaag ah in qunsulkii Turkiga aan halkan kala kulmay arrimahaas waanu u sheeganay, waana aanu u caddaynay inaanay jirin Somaliland iyo Somalia isku soo noqonaysaa, taasna wuu naga garawsaday waxaana uu nagula taliyey inaanu noqono labo waddan oo walaalo ah oo jaar ah waana aanu ka aqbalnay, Madaxweyne Erdogan iyo Turkiguna way ogyihiin maqaamka Somaliland”ayuu yidhi.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Bixi Yoonis oo saxaafadda kula hadlay Madaarka Hargeysa, ka dib markii uu la kulmay wafdi ka socday guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka Yurub ayaa sheegay inay muhiim tahay dalalka dariska ah qaarkood inay goobjoog ka ahaadaan wadahadallada iyaga iyo Soomaaliya u dhexeeya “Waxaanu muhiim u aragnaa inay wadahadallada Somalia iyo Somaliland ay goob-joog ka noqdaan dalal caalamka iyo kuwa gobolka, sida; Britain, Imaaraadka Carabta, Denmark, Sweden iyo kuwa IGAD,” ayuu yidhi Yoonis.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa muujiyay sida ay u daneynayaan in waddamada wadahadalka lagu soo daro, isagoo meesha ka saaray in dowladda Soomaaliya ay kaligeed xaqiijin karto waxyaabaha lagu heshiiyo “Innagu waxaanu doonaynaa in Somaliland iyo Somalia ay noqdaan laba dal oo daris ah, si walaalnimo iyo daris-wanaag ahna kuwada noolaada,” ayuu yidhi Biixi, isagoo xusay in Somaliland aysan marna ka laabanayn gooni-isku-taaggii ay horay u go’aansatay.

Comments

comments