Dhalinyaro Soomaali ah ku biiray Ururka Daacish oo ku dhintay dagaalada Ciraaq iyo Suuriya

237

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tagtay wadamada reer Galbeedka ayaa lagu soo waramaaya in ay ku dhinteen dagaaladii u dambeeyay kooxda Daacish ku gashay wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Ilaa saddex wiil oo dhalinyaro ah oo ka tegay dalka Sweden ayaa labadii todobaad lasoo dhaafay ku dhintay dagaalo ka dhacay xadka wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Dagaaladan ayaa u dhaxeeyay maleeshiyada ururka ISIS iyo Ciidamada Kurdiyiinta, iyagoo ku dagaalamay magaalooyin muhiim ah.

Ehelada dhalinyaradan ayaa si weyn uga naxay geerida wiilashooda oo markii hore qaab dhuumasho ah uga baxay Sweden, mar dambana laga war helay in ay ku biireen ISIS.

Ugu yaraan shan qof oo Soomaali ah ayaa ku dhintay dagaalada ururka Daacish, iyadoo tirada ku biiray ay kor u dhaafayaan 10-qof oo isku jira gabdho iyo wiilal ka tegay qurbaha.

Comments

comments