SOMALILAND:“Wasiir, Sharciga Kama Waynide,Dib U Celi Gaadhiga Oo Jidka Laguu Ogol Yahay La Doono,Kuma Siidaynayo Oo Dadkaasi Adiga Ayay ku Eeganayaan”.Askari Taraafikada Ah Iyo Wasiir Muransan.

“Jidka Halbawlaha Magaalada Hargeysa Oo Sharci Jiho keliya in loo socdo Lagu Soo Rogay Iyo Dirawaliinta iyo taraafikada Oo Shalay Isku Xiiqay”.

DSC00451

Hargeysa(Wargane) – Kadib amar Cusub oo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ku soo rogay jidadka Magaalada Hargeysa oo shalay uun loogu soo toosay qaab cusub oo loo socdo ayaa waxa shalay galinkii hore Madaxtooyada horteeda isku haleelay Askari ka mid ah ciidamada Wadooyika Somaliland Maxamed Cabdi Muuse (Taraa-taraa) iyo wasiirka wasaarada Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, waxa uu askariga taraafikada ahi wasiirka ugu hal celiyay inuu sharciga xaqdhawro oo uu jidkan dib uga noqdo,wasiirkuna waa uu ka diiday talaabadaasi,isla wakhtigaasi waxa jidadka hoganayay gaadiid badan oo sharcigani ku cusub yahay oo dib loowada celiyay,kuwaasi oo intay dirawaladii ka soo degeen ay isku daawanayeen.

Maxamed Cabdi Muuse(Taraa-Taraa) oo ahaa Askarigan Taraafikada ah oo taagnaa wakaalada biyaha horteeda ayaa hor istaagay gaadhi uu watay Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Faaraxa Cilmi Geedoole, waxa uu askarigan taraafikada ahi isagoo lahadlaya hor istaagay gaadhiga, waxaanu ku yidhi “Wasiir dib u celi gaadhiga,dib ujeedi wasiir,sharciga miyaad ka weyn tahay wasiir?, waad arkaysaa oo dadkani adiga ayay ku eeganayaane ee fadlan sharciga u hogaansan oo dib u jeedi gaadhiga”. Intaa markii ay iswaydaarsadeen askarigii iyo wasiir Geedoole,waxa ku soo xoomay dad badan oo ka soo degay gaadiidkii kale ee jidka marayay,waxa uu askarigii markhaati uga dhigay dadkii goobtaasi ku soo ururay,waxa uu dadkii goobtaasi taagnaa ka codsaday inay wasiirka wax u sheegaan.
Wasiir Geedoole oo markaa saarnaa gaadhigiisa khaaska ah ee laancruiserka cadaanka ah oo u socday dhinaca mamnuuca ka ah in Gaadhigu u maro jidka hawlaha ah ee madaxtooyada hor marta ayaa ka soo degay gaadhigaa islamarkaana askarigii ka codsaday inuu siidaayo maadaama oo uu badhtankii soo gaadhay,askarigii ayaa isaga oo cadhaysan ka hor dhaqaaqay gaadhiga wasiirka waxaanu u sheegay inuu sharciga la ilaaliyo,oo ay ugu horayn hirgaliyaan dadka xilalka Xukuumada Hayaa. Ciidamada Wadooyinka Somaliland ee taraafikada ayaa shalay xiiq dhamaystay waxaanay khaatiyaan kala istaageen dirawaliinta gaadiidka wada kuwaasi oo ay ku adkayd inay dhakhso u fuliyaan sharciga lagu soo rogay maristii Jidka halbawlaha ah ee Caasimada Hargeysa.
xigasho Foore.

Comments

comments