SOMALILAND“Madaxweyne Siilaanyo Markii Uu Talada Dalka Lawareegay ,Miisaaniyadu Waxay Ahayd 47-Milyan Oo Dollar,Imikana Sanadkan 2015 Ee Hada Inoo Bilaamay Waa 251 Milyan Iyo 300 Oo Kun,”.Wasiir Samaale.

313

“Nimaan Hadlin Hooyadii Qadisay,Dawladani Waxay Si Weyn Ugu Hawlan Tahay Sidii Ay Bulshadeena Iyo Goboladeenaba Horumar Uga Samayn Lahayd”.
Hargeysa(Wargane News) – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in Jidka Dawga-Cad hirgalintiisa ay Xukuumadu uu ka tirsan yahay qayb libaax ka qaadatay islamarkaana ay diyaar u tahay inay jidkaasi iyo kuwo kale oo badanba ay dhamaystirmaan,waxa uu sidoo kale sheegay in horumarka balaadhan ee dalka ka socda ee uu hormoodka u yahay madaxweyne Siilaanyo ay suurta galisay Wasaarada Maaliyada Somaliland oo soo xeraysay dhaqaale lagu faani karo,waxa uu wasiir Samaale faah faahin ka bixiyay farqiga weyn ee u dhexeeya Miisaaniyadii ay wadanka ugu yimaadeen,halka ay gaadhsiiyeen iyo odoros miisaaniyadeedka sanadka 2015-kan aan madaxa la galnay.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa khudbadan ka jeediyay xaflad Doraad Xadhiga uu madaxweyne siilaanyo kaga soo jaray wajigii labaad ee dhismaha Jidka Dawga-Cad ee Woqooyiga magaalada Hargeysa,waxa uu Wasiir Samaale hadalkiisa ku bilaabay sidan “Dawga-cad waxa uu ka mid yahay wadooyinka qaranka Somaliland,waxaan umahad celinanayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay ganacsade iyo shacaba,Xukuumadu way ka qayb qaadatay bilawgii, halkii dhexe,ilaa maanta,waanay sii wadi Doontaa,waxaan jecelahay in aan xuso waxqabad ka muuqda ee ay xukuumadu qabatay misaaniyada qaranku markii uu talada dalka lawareegay Madaxweyne Axmed maxamed silaanyo waxay ahayd 47milyan oo dollar,imikana sanadkan 2015 ee hada inoo bilaamay waa 251 milyan iyo 300 oo kun,”.
Waxa uu sheegay Wasiir Samaale inuu Qasdiga Xukuumada Siilaanyo ee Dawga-cadi uu yahay inay la dhiso laamay isku xidha Jabuuti iyo Somaliland oo baahi wayn loo qabo,waxaanu yidhi “ Taasi waxay cadaynaysaa hogaanka fiican ee aan haysano madaxweyne siilaanyo iyo tiimka lashaqaynaya, waynagaa maanta hawaysanayna inaan isku xidhno ilaa dawga-cad iyo Djabuuti,waataa aan aan hawaysanayno wadada Ceerigaabo ilaa Burco inaan isku xidhno, Waataa aan ku hamiyayno ee sida fiican usocoto dhismaha wadooyinka kala duwan haday tahay Salaxlay hadii ay tahay Balle-Gubadle,degmada Allaybaday Iyo hadii ay tahay jidkaasi Boorama oo dhamaystirantay,taasina waxay ku timid dadaal ay muujiyeen jiilka maanta hogaanka uhaya dalkani iyo tiimka uu soo xushay,hamiga dadkuna waxa u yimid markay arkeen xukuumad wax laqabanaysa oo marka ay shan kiilo mitir dhistaba xukuumad inteeda la garab taagan”.
Isagoo hadalkiisa sii wata wasiir Samaale ayaa waxa uu yidhi “Baahida aan qabno iyo ta uu dalkeenu qabaa mar walba way kala wayn yihiin,caalamku inama ictiraafin lakiin waxa aan wax ku qabsano waa waxaa yar ee aan dhexdeena aan isku cel celino,waxayse runtu tahay in aan gaadhnay meelo aanay gaadhin dawladaha la aqoon san yahay,Nimaan hadlin Hooyadii qadisay,Dawladuna waxay si weyn ugu hawlan tahay sidii ay bulshadeena iyo goboladeenaba Wax Uga Qaban Lahayd, hadaanu nahay Wasiiradii Deegankan ka soo jeeday lacagta ay dawladu bixisay anagaa bixinay oo soosaarnay,Wasiiradii qaranka ayaan nahay,waxaan u shaqaynaynaa dalkayagii,meel kasta oo wax laga qabanayo iyo horusocod la samaynayo waan u taaganahay, waxaan balan qaadana inaan ka qayb qaadano horumarka dalka oo dhan”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay wasiir Wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Xigasho Foore

Comments

comments