SOMALIA:Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada dalka Jabuuti oo Muqdisho Yimid

237

Wafdi uu hogaaminaya Wasiirka arrimaha dibada dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho oo doonaya in ay ka ayb galaan shirka wasiirada arrimaha dibada ee dalalka IGAD.

Wafdiga waxaa garoonka ku soodhaweeyey sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.

Wasiirada arrimaha dibada Jauuti iyo Soomaaliya ayaa saxaafada kula hadlay garoonka Aadan Cade Mudisho, C/raxmaan Beyle ayaa sheegay in wafdigan u socdaan ka qay galka shirka IGAD ee Sabtida ka furmaya Muqdisho sidaas oo kalana ay sugayaan wasiirada arrimaha dibada ee dalalka IGAD sida Kenya, Itoobiya, Eretereeya, Sudaan, Koonfurta Sudan iyo Uganda.

Magaalada Muqdisho waxaa markii u horaysay burburkii ka dib shir ku yeelanaya wasiirada arrimaha dibada ee dalalka ku bahoobay urur Gaboleedka IGAD.

Source: Horseed Media.

Comments

comments