Al Qacida oo sheegatay Weeraradii Paris

Kooxda Al Qacida faraceeda Yemen ayaa si rasmi ah markii ugu horeysay u sheegatay weerarkii lagu qaaday Arbacadii xarunta Jornaalka Charlie Hebdo ee magaalada Paris.

Kooxda Al Qacida ayaa kusoo beegtay sheegashada falkan shalay oo Jimce ah xili ay ciidamada Booliiska France ay hawlgal ku dileen raggii weerarkaasi geystay.

Afhayeen u hadlay kooxda Al Qacida ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u ahaa aflagaadadii Jornaalka Charlie Hebdo u geystay Nebi Maxamed SCW.

Sidoo kale Saciid Kouachi oo kamid ah labadii nin ee walaalaha ahaa ee falkan geystay ayaa shalay Jimcihii intaan lagu dilin hawlgalka Booliiska, wuxuu khadka telefonka kula xariiray mid kamid ah Raadiyayaasha dalka France isagoo sheegay inuu xubin ka yahay Kooxda Al Qacida ee Yemen.

Shariif Kouachi iyo Saciid Kouachi ayaa lagu dilay shalay gelinkii danbe goob madbacad ah oo ay ku dhuunteen kadib markii ay hareereeyeen ciidamada Booliiska, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ciidamadii hawlgalkaasi fuliyey.

Comments

comments