Iniesta, Busquets Iyo Xavi Oo Maanta Kulan Laqaadanaya Lionel Messi.

1047

Iniesta-Messi-Xavi

Xaalada kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid faraha ka sii baxaysa hadii aan loo helin xal deg deg ah waxaana la ogaaday in Messi uu doonayo inuu isagatago kooxda.

Wargayska Sport ee ka soo baxa Catalonia ayaa maanta shaaciyay inuu jiro kulan afar geesood ah oo u dhexeeya laacibiinta ugu waa wayn kooxda Barcelona.

Xavi Hernandez, Sergio Busquets iyo Andres Iniesta ayaa maanta kulan la leh laacibka gadoodsan ee Lionel Messi si ay u qaboojiyaan xiisada ka dhex taagan isaga iyo tababare Luis Enrique.

Kulan kaan oo ah mid gaar ah ayeey doonayaan 3-daan laacib inay xal u helaan isfahan darada ka dhex jirta Messi iyo Luis Enrique si kooxda aysan uga harin tartanka ay ugu jirto hanashada koobabka ay ciyaarayso xiliciyaareed kan.

Dhanka kale waxaa jira warar kale oo sheegaya in Luis Enrique uu ka dalbaday maamulka sare ee Barcelona in kooxda laga diro mid kood isaga ama Messi.

Comments

comments