Shirkadda Caalamiga Ah Ee Dahabshiil Group Oo Kordhisay Saacadaha Shaqadda Si Macaamiisheedu Fursad Ugu Helaan Diyaar-garawga Ciida

Hargeysa(Wargane News)Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil Group, ayaa kordhisay saacadaha shaqada ee ay u adeegto dadweynaha, taas oo sabab looga dhigay diyaar-garawga munaasibada Ciidal Fidriga oo maalmo yar inaga xigaan.
Xafiisyada Xawaalada ee shirkada ayaa saxmad noqday maalinba maalinta ka danbaysa, iyadoo kumanaan bulshada ka mid ah oo eheladooda dhinaca qurbaha ku maqan bishan oo kale xiligan usoo diraan lacago dheer ah oo ka baxsan biilasha ay inta badan hore uga heli jireen qoyaskooda ku maqan qurbaha.
Shirakada Dahabshiil oo ah ta ugu weyn shirkaddaha Xawaaladaha Soomaalida ayaa sanad walba kordhisa xilagan oo kale, ama maalmaha ugu danbeeyay Bisha Barakaysan ee Ramadaan saacadadaha Shaqada si ay raali geliso shirkadu macaamiisheeda dacalada dunida iyo kuwa dalka gudihiisa, waxaana xafiisyadu furan yihiin ilaa saaco danbe habeenkii iyo xilaydii ay sida caadiga ah furnaan jireen ka hor bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Dhinaca diyaargarawga Ciida ee Bulshada oo qof walba doonayo inuu hore isugu sii diyaariyo Ciida, ayaa sababtay saxmad xafiisyada shirkadda iyo guud ahaan suuqyad kale ee magaalada, kuwaas oo la ciir-ciiraya dadka u diyaaroobaya munaasdibada Ciidal Fidriga.

Comments

comments

SHARE