Waqabadkii u qabsoomay Wasaarada Khaarajiga ee Somaliland

368

Waan idin salaamay dhamaantiinba akhristaw meelkasta oo aad joogtaanba. Inta aanan maqaalkan bilaabin ka hor waxan jeclaan laha inaan in yar idinka iftiimiyo waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arrinta kor ku xusan taasoo ay sabab u tahay , markii aan arkay in dad kamid ah reer Somaliland oo aan haba yaraate fahansanaynba qiimaha uu ugu fadhiyo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland dalkiisa iyo dadkiisaba.

Sidaad la socotaanba waxaad ku arkaysa mararka qaarkood warbaahinta dad wax ka sheega siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland. Dadka qaarkood waxay ku doodaan Wasiirku iyo dawladuba ictiraaf kii ayay ka gaabiyeen, waxan u sheegaya akhristaha maqaalkan in sideedaba marka dal uu doonayo in ay dal kala go’an , aanu isagu kaligii go’anka. Laakinse ictiraafku dalku wuxu ku xidhanyahay inay dalka khilaafku ka dhexeeyo ay kala heshiiyan arrinta. Marka kadibna abti dadka laga qaado waxay jecelyihin oo dabadeedna sida lagu ictiraafo dawlada.

Tusale waxaynu usoo qaadan karna dalalkii sida ku helay ictiraf dalka Eretrea , East Timol, Jek Republic iyo ugu danbayn koonfurta Suudan. Waxan dadka u sheegaya in aanu wasiirku keligii ictiraafka keeni Karin laakiinse ay ku xidhantahay marba sida Koonfurta Somaliya arrinta la isugu afgarto. Arrinkasina manta meel fiican buu maraya oo Somaliland iyo Somaliya oo siman baa ka wada hadlaya aayahooda waanaynu ogaan doona inshala waxa ka soo baxa.

Waxan qoraalkan arrinta ugu iftiimiyay in si dadku ay wadciga jira u fahmaan oo anu qofwalba waxaanu garanayn intuu iska qoro aanu madaxda ku dhaleecaynin, isagoo sabab uga dhigaayo in Wasiirku aanu wax dadaal ah u samayn sidii ictiraaf dalku u heli lahaa. Waxaase taa jawaab u ah odhaahdii Abwaan Hadraawi uu ka yidhi markii uu ku wereeray wadciga cusub ee qofkastaaba siyaasad aanu garanayn uu ka hadalkeeda shaqo ka dhigto , waxanu yidhi Abwaan Hadrawi oo ta ka hadlaaya ” Rag siyaasi wada noqay” .

Anoo ta ka duulaya Waxan halkan ku soo bandhigi doona akhristaw wuxu ahaan jiray Dr. Mohamed markii hore, wixii uu qabtay iyo aqoontiisa ku saabsan shaqadan uu imika u hayo dalkiisa Hooyo. Marka hore waxan ku bilaabaya, waa kuma Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland Dr. Mohamed Abdulahi Omar. Haddii aan in yar ka faaloodo taa Mohamed horta waa nin aad u degan, akhlaaaq fiicana leh, marka uu hadlaayana marwlba hadalkiisu waxa aad ka dareemaysa miisan isagoon marna aanad ka maqlayn hadal deelqaaf ah.

Dhinaca waxbarashada, Mohamed waa aqoonyahan bartay cilmiga siyaasada iyo xidhiidhka caalamiga isagoo ka gaadhay shahaadada ugu sareysa ee loo yaqaan (PHD) ama Doctorate wuxuna markii uu waxbarashadas dhamaystay kadib wax ka dhigay mid ka mid ah Jaamicadah dalkan Ingriiska kuwa ugu caansan. Hadaba markii uu xisbiga Kulmiye talada wadana qabtay kadib waxa loo magacaabay Dr. Mohamed inuu noqdo Wasiirka arrimaha dibada.

Waxan halkan idinku soo gudbin doona qoraalo kala duwan oo ka waramaya dhamaan horimarkii dhinac siyaasada arrimaha Dibada ah ee ay ku talaabsatay Xukuumadan Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo taasoo uu hawlwadeenka ka ahaa Dr. Mohamed Abdilaahi Omar. Dabiiciyan waa nin aad u degan oo yaqaan shaqada uu qabanayo run ahaantiina ka soo bilaabay xidhiidhkiisa caalamiga markii uu hore u ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Xisbigii Mucaaridka ahaa ee Kulmiye isagoo kulamo badan la qaatay siyaasiin ka mid ah Britain , Marykan iyo qaar kaleba.
Hadaan in yar ka taabto waxyaabaha uu ku guulaystay intii uu Xisbiga u ahaa Xoghaya arrimaha kharaajiga wax ka mid ah, inuu la sameyay xidhiidh wanaagsan Madaxii qaybta khaarijiga ee aqalka Maraykanka (Congresska), isla markaana si fiican halka loogu qaabilay kadib markii uu arrinta xidhiidhka maraykana ku guuldaraystay Wasiirul khaarijihi hore ee Somaliland ee Xukuumadii madaxweyne Dahir Riyaale.

Aan idin xasuusiye markii ay doorashooyinkii Xukuumadii Riyale dhawrka jeer dib loo dhigay. Wuxu ahaa Dr. Mohamed ninka marwalba la kulmaayay Diplomasiyiita caalamiga ah lana socodsiinayay qalooca siyaasadii Xukuumadii hore ee talada wadanka haysay. Waxa waqtiga yimi Somaliland rag ka tirsan Parlamaanka ingriiska iyo Diplomasiyiinkale oo iyana xukuumada marwalba cadaadis ku saaraysay sidii ay doorashooyinku u qabsoomi lahayeen.

Markii uu Xisbiga kulmiye ku guulastay doorashadii Somaliland. Markiiba dawladu waxay la soo baxday siyaasad ka duwan tii hore taaso dalka iyo dadka wax u taraysa . Taana waxa ka mid ah siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland. Waxay Xukuumadani markiiba isbedel ku samaysay Siyaasadii arrimaha Dibada oo ay sheegeen in ay ka qaybgeli doonan shir kasta oo Somalida loogu yeedho si ay arrimahooda gaarka ah ugu soo bandigaan shirarka caalamiga.

Faaiidadii laga helay isbedelka cusub ee siyaasadeed wax ka mid ahaa 1) iyadoo horta Somaliland caalamkii u arkay dad jira oo arrimahooda si degan u sheeganaya, shirkii ugu horeyay ee London lagu qabtay dawlada Britain waxay Somaliland ugu dhawaaqday inay siin doonan lacag dhan 160,000 oo Gini .
2) Waxa shirka lagu lagu goa’miyay in Somaliland iyo Somaliya u wada hadlaan sidii laba dal oo siman oo kale.
3) waxa Hargeisa kal hore yimi wiig kaliya Safiiro lagu qadaray ila 16 Safiir oo ka kala yimi dalal kala duwan, halkaasoo uu ku qaabilay wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland.
4) Waxay Somaliland ka heshay saamigeeda lacagaha laga qaado diyaaradaha samada mara , iyadoo lacagaha ay dawlada Kenya hore u qaadan jirtay.
5) Markii ay ku talaabsatay Xukuumadan cusub maamul wanaaga iyo siyaasad dabacsan , waxay taasi keentay in Dawlado ka mid ah Europta ay go’ansadaan in wixii waxtar ah in Somaliland toos loo siiyo meeshii barigii hore loo marin jirey Hay’daha.
6) Dawlada Ingriisku waxay go’an ku gaadhay in mucaawimada ay siiso magaca Somaliyeed 60% ay Somaliland toos loo siiyo inta dhiman ee ah %40 la siiyo Somaliya.
7) waxay dhawr dawladood oo Europe ay go’ansadeen in ay Xafiis Hargeisa ka furtaan kuwaaso ay ka mid yihin UK, Denmark iyo qaarkale.
8) Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa qaybta loo yaqaan (Unicief). Markii ay aragtay dawlad wanaaga, nabadgelyada Somaliland iyo aqoonta bisil ee wasiirka arrimaha dibadu ula macaamilo Hay’daha caalamiga ah , ayay goo’an ku gaadheen inay ka furtan Hargeisa Xarunta maamulka Unicef ee Bariga Africa imika dhulkeedi la bixiyay.
9) Intii ay xukuumadani xukunka haysay waxa wanaagsanaaday cilaaqaadki Somaliland iyo Dawladaha Carabta. Waxad la socotaan in Madaxweyne iyo wafdi uu hogaaminaayo ay booqasho rasmi ah ku tageen dalalka Imaaradka iyo Kuwait halkaana maqaam aad u sareya lagu qaabilay. Wuxu cilaaqaadka cusubi keenay in ay labada dawladood ku deeqaan mucaawinooyin fara badan Somaliland sida ceelalal riigag ah oo dalka laga qoday wadanka iyo balaadhinta Madaarka Hargeisa iyo Berbera oo ay lacag dhan malaayin ku baxayso.
10) Waxay dhawaan isla 2012 bangiga Aduunku u aqoonsadeen Dekada Berbera inuu dhaqaalahedi ka u kacay oo ay ku talaabsatay horumar iyo mamul wanaag.
Waxa ugu danbeeyay guulaha ay dawladu Somaliland shirkii ugu danbeyay ee Istanbul ee Turkey ka mid ahaa.
11) Waxa wiigii hore laga casuumay Wasiirka iyo wasiira kaleba dalka Imaaradka Carabta. Waxan halka ku qaabilay Wasiiral dawlaha dalka Imaaradka carabta, kaasoo ku qaabilay wasaarada Khaarajiga ee dalka. Nuxurka martiqaadku wuxu ahaa in labada wasiir ay ka wada hadlaan danta labada dal, iyo sidii ay Dawladu imaaradku ku maal gelin lahayd Somaliland isla markaana loo baladhin laha dekada Berbera .
Arrintaasi waxay ku timi markii la arkay sida ay u shaqaynayso siyaasada arrimaha Dibada ee Somaliland.

Ugu danbayntii markii aan arkay qoraala dhawr ah oon haba yaraate garanayn, waxtarka Wasiirku uu hayo dalkiisa iyo dadkiisa. Ayaan go’ansaday bal in dadka noocaas ah aan wax uga iftiimiyo aqoonta, waaya aragnimada iyo waxtarka uu u horseeday wasiirka iyo wasaarada khaarajiguba dadkooda iyo dalkooda hooyaba.

Waad mahadsantihin

Adan Jama Kahin
Milton Keynes
Waa Qoraa wax ka qora arrimaha
Geeska Afrika.

Comments

comments