Seeddigay wax soo sii, Haddii kale wax baa siya!

466

Seedigay wax soo sii

Soddogayna sooryee

Miiddaa wax iga sii

Haddii kale waxbaa siya!

 

Haddaan saaka lay siin

Iminkadatan lay siin

Kumanaankun lay siin

Sacabbada dux lay marin

Ogoobey wax baa siya!

 

Qalinkaygu waa seef

Sumcadaada loo qoray

Adigaana sixi kara

Sunuudaad u haysaa

Sillanaan ka jiri kara

Haddii kale wax baa siya!

 

Suxufiga mas’uulka ah

Oogada sareetiyo

Sumaddaan wadaagnaa

Wax kaleeto nama simin

Halka uu ka sugan yahay

Sillan weeye taayadu

Sarkalleef hunguri-doon

Dillaal saylad joogaan

Salsallaabay qaylada

Sifihiisa leeyahay

Sababtoo ah Moogoow

Warku waa sabeentay

Nin kastoo wax saanyaday

Haddii aanu iga sabin

Sunta qalinku qaayibay

Durbadiiba lay siin

Ogoobey wax baa siya!

 

 

Mohamed Somali

Hargeisa

 

Comments

comments