Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Ajandaha kal-Fadhigooda 24-aad

364

Hargeysa (Wargane News) – Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir-gudoominaayey gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golahaas Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxay mudaneyaashii fadhigaas ka soo xaadiray cod ku meel marriyeen ajandaha kal-fadhigooda 24-aad oo dhawaan furmay.

Madasha fadhiga ee codka loogu qaadaayay ajandaha kal-fadhigan 24-aad waxa fadhiyey 45-xildhibaan, waxa ogolaaday 40-mudane, waxa diiday 4-mudane cid ka aamustay may jirin, gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaasna waxa ku ansaxay ajandaha kal-fadhiga 24-aad oo xildhibaanadu ka doodeen.

Fadhigan ayaa ahaa kii 3-aad intii uu socday kal-fadhiga 24-aad ee ay sida rasmiga ah u anxisiyeen. Waxa la filayaa in madaxweynuhu hadii alle yidhaa labada gole ka hor jeedin doono khubad sannadeedka dastuuriga, kana hadli doona waxyaabihii qaran ahaan inoo qabsoomay iyo marxalada uu dalku hadda marayo.

Somaliland.Org/Hargeysa

Comments

comments