Lionel Messi Oo Rikoodh Markii Lixaad Ah Ku Guuleystay Kabta Dahabka Yurub Ka Dib Guuldaradii Caawa Soo Gaartay PSG

190

Lionel Messi ayaa xaqiijistay hanashada Kabta Dahabka Yurub ka dib markii Kylian Mbappe oo fursad u heystay inuu kula tartamo uu ku guuldareystay caawa inuu kooxdiisa ka celiyo guuldarro 3-1 oo ka soo gaartay Reims kulankii lagu soo xirayay xilli ciyaareedka horyaalka Faransiiska inkastoo uu dhaliyay goolka qura ee kooxdiisa.

Messi ayaa abaalmarinta kabta dahabka Yurub ee Golden Shoe ku qaaday 36 gool uu ka dhaliyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo uu sidoo kale ku qaaday gooldhalinta horyaalka Spain.

Mbappe ayaa xilli ciyaareedka ku dhameystay 33 gool waana in ka yar seddex gool inta uusan Messi ku qaaday Kabta Dahabka Yurub xilli ciyaareedkan. Xiddiga reer Argentina ayaana markii lixaad ku guuleysanaya Kabta Dahabka.

Mbappe waxa uu u baahnaa caawa inuu dhaliyo ugu yaraan afar gool si uu barbareeyo Messi laakiin waa ay u noqon weysay iyadoo kooxdiisa ay guuldarro ku soo xirtay xilli ciyaareedka horyaalka Faransiiska ka dib markii Reims oo ay marti u ahaayeen ay uga badisay 3-1.

Markii ugu horeysay ee uu Lionel Messi abaalmarinta ku guuleysto waxa ay aheyd xilli ciyaareedkii 2009-10 oo uu 34 gool ku qaaday. Ka dib waxa uu ku guuleystay labo xilli ciyaareed oo isku xigta 2011-12 ito 2012-13 oo uu kala dhaliyay 50 gool iyo 46 gool.

Waxaana uu haatan qaaday abaalmarinta seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay laga soo bilaabo xilli ciyaareedkii 2016-17 taasoo wadar ahaan ka dhigeysa inuu rikoor lix jeer ah ku guuleystay.

Comments

comments