Somaliland: “Xukuumaddu Sidii Ugu Foosha Xumayd Ayay U Maamushay Arrinta Axmed Geelle Arab…” Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa markii u horaysay ka hadlay mawqifkiisa khilaafka soo kala dhexgalay ganacsade Axmed Geelle Arab iyo dawladda Jabuuti iyo sidii xukuumadda Somaliland uga falcelisay waxaanu dhalliilay sidii xukuumaddu uga dareen celisay.

Dr Waxa uu yidhi “Xisbigu dee ashkhaas maaha ee waa xisbi, arrinta Axmed Cismaan Geellena waxaan kala mawqif ahay tii xisbiga. Arrinta xisbigu wuu ka hadlay mawqifka uu xisbigu jeediyayna 100% waan taageersanahay waayo xisbigaan ka mid ahay anigu kolba cidda joogtana metelaysa xisbiga,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu intaasi raaciyay in xukuumaddu sidii ugu foosha xumayd u maamushay arrinta ganacsade Ina Geelle Arab “Xukuumaddu sidii ugu foosha xumayd bay arrinta u maamushay. Waxa looga baahna si caddaalad ah in ay u maamusho oo muwaadiniinteeda iyo cidda aan muwaadiniinta ahaynba loo xaqsooro. Sida aan ka dhegaysanayay qalabka warbaahinta Axmed Cismaan Geelle $20 Milyan baa loo sheeganayay oo ma dafirin ee wuxuu yidhi waa nalagu leeyahay isna waxa ka maqan $128 milyan xilkeedu in loo soo celiyo Axmed Cismaan Geelle lacagtaas xukuumaddu saaran yahay waayo dastuurku wuxuu qoraya muwaadinka nabadgalyadiisa iyo xoolihiisaba waxa ka masuul ah oo xil ka saaran yahay Xukumadda hase ahaatee xukuumaddu mawqifka ay ka qaadatay waad ogaydeen oo waxayba ku sheegeen tuug imikana odayaal baa arrinta ku jira waanan ku taageersanahay waxaan rajaynaya odayaashaasi in ay xal ka gaadhaan arrintaas,” ayuu yidhi Dr Cabdiraxmaan Cirro.

Comments

comments