Somaliland: Suldaan Caan Ah Oo Ka Mid Ahaa Ergadii Madaxda Dhaqanka Ahayd Ee Daminta Colaada U Joogay Deegaanka Ceel-Afweyn Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Madaxda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Cabdilaahi Cabdi Koor oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 30/04/2019, shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Bohol ee gobolka Sanaag.

Madaxweynuhu waxa uu ku sifeeyey marxuumka oday dhaqameed ka baxay qaranka iyo shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadaynta iyo dib u dhiska dalka, mudooyinkii u danbeeyeyna waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxda dhaqanka ka koobnaa ee daminta colaadii u joogay deegaanka ceel-afweyn.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Madaxda-dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Comments

comments