Somaliland: Xisbiyadii Mucaaridka Oo Qiimo Jaban Ugu Kala Dhuuntay Madaxweyne Muuse Biixi.

Xisbiyada Mucaaridka oo markii horeba tayadooda bulshadu dhaliilaysay ayaa markale shaashadaha Ka Soo muuqday iyagoo qiimo jaban ugu kala dhuuntay Madaxweyne Muuse Biixi .

Xoghayaha Xanaanada Xoolaha Xisbiga WADDANI Cali Cantar oo isagu marar badan ku dhaliilay Xubno Xisbiga WADDANI ka tirsan inay Xukuumadda u duseen ayaa isagu saaka hiirti waabari u kalahay soo dhawaynta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Imaraadka ka soo laabtay, kumuu tagin siyaasadda Xisbigiisa, waxayse u muuqata inuu qiimo jaban ugu hayaamay marxabaysiinta Madaxweyne Muuse Biixi oo aan safarkiisa bulshada u sharxin.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse oo marka horeba Xisbigiisu darafu dawle aha ayaa isna ka socday Xisbiga UCID . Si kastaba ha ahaaye kaalintii Mucaaridnimo ayay bulshadu mudda dheertabaysay ilaa haddana ma muuqato.

Comments

comments