Deg Deg: Qarax Xooggan Oo Goor-dhawayd Ka Dhacay Muqdisho

200

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya goor dhawayd uu Qarax gaadhi ka dhacay.

Qaraxa gaadhi ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Saldhigga Waaberi sida Saraakiisha ay noo xaqiijiyeen.

Qof goobooge ah ayaa sheegay inuu arkaayay illaa afar qof oo mayd ah oo Qaraxa ku dhintay iyo dad kale oo dhaawac ah.

Gaadiidka gurmadka deg-dega ayaa gaadhay goobta ay wax ka dhaceen, halkaasi oo ay ka qaadayaan dhaawacyada ka dhashay Qaraxa.

Ciidammada Booliska Saldhiga Degmada Waaberi ayaa ku yaacay goobta ay wax ka dhaceen.

La soco wixii ku soo kordha

Comments

comments