Somaliland: Madaxwayne Muuse Biixi Oo Saaka Safar Ku Tagay Magaaladda Berbera.

Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa goor dhawayd safar shoqo ugu baxay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa subaxnimadii hore ka jarmaaday madaxtooyadda waxaana ujeedada socdaalkiisa la la xidhiidhinayaa in uu xadhiga ka soo jari doono qalab cusub oo lagu soo kordhiyay Dekedda Barbara.

Dhinaca kale wararka qaar ayaa waxa ay sheegaya in marka uu dhameeyo kormeerka Marsadan Berbera uu Madaxweynuhu la kulmi doono Odoyaal iyo wax-garadka gobolka Saaxil.

Comments

comments