Somaliland: Waa Maxay Ujeedada Madaxweynaha Jabuuti Ugu Yeedhay Waftigii Somaliland Ka Tagay Ee Uu Hogaaminayay Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland.

146

Madaxweynaha dalka Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle ayaa Casuumaad u fidiyay Mas’uuliyiin Sar sare oo ka tirsan Dawladda Somaliland, kuwaasoo Doraad galab u dhoofay dalka Jabuuti.

Wafdiggaan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, waxaanay sida lasoo wariyay  kulan la yeelan doonaan Madaxda ugu saraysa dalka Jabuuti.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Geelle uu kala hadli doona Mas’uuliyiinta xisbiga tallada haya in ay aqbalaan in dib loo bilaabo Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan tagay dalka Jabuuti, waxaana uu ka codsaday in uu garwadeen ka noqdo Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa lagu yaqaanaa in uu dadaal badan ku bixiyo Wadahadaladda Umadda Soomaaliyeed.

Comments

comments