Dhacdo Cajiib Ah: Haweeney Hal Mar Dhashay 7 Carruur Oo Mataano Ah

112

Haweeney u dhalatay dalka Iraq oo 25-jir ah ayaa la sheegay inay hal mar dhashay 6 gabddhood iyo wiil, sida ay shaaciyeen Dhakhaatiirta dalkaasi oo sheegay inay tahay markii ugu horreysay Taariikhda Iraq inay haweeney dhasho 7 mataano.

Haweeneydaasi oo aan magaceeda la shaacin waxay mataanayaashaasi si caadi ah ugu dhashay Isbitaalka Al-batoul oo ku yaalla Gobalka Diyaala.

Afhayeenka Waaxda Caafimaadka ee Deegaankaasi, Firaas Al-cisaawi waxa uu tilmaamay inay Hooyadaasi si caadi ah dhashay isla markaana ay iyada iyo carruurteeda mataanayaasha ah caafimaad qabaan.

 

Comments

comments