Somaliland: Baaxad oo Cafis Waydiistay Madaxwaynaha Somaliland

111

“Mudane Madaxweyne Iyo Taliye, Wixii Khalad Hore Ee Aannu Galnay In Nalaga Saamaxo Ayaannu Jecel Nahay.” Gamaal Baaxad oo Cafis Waydiistay Madaxwaynaha iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka

“Mudane Madaxweyne Janaraale, wixii khalad hore ee aannu galnay in nalaga saamaxo ayaannu jecel nahay.” Sidaasi waxa yidhi Jamaal Maxamed Ducaale oo lagu naanayso Baaxad oo hore uga tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland balse muddooyinkii ugu dambeeyay dibad meer ahaa.

Baaxad oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta miiska saraakiisha shalay ayaa sheegay inuu u boholyoobay dalkiisa oo uu waqti xaadirkan diyaar u yahay inuu u shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisaba, waxana uu yidhi; “Waxa aan halkan ka cadaynayaa in aan ku soo noqday dalkaygii oo aan usoo hiloobay, markaa waxaan go’aansaday aniga iyo ciidamo badan oo ila socda oo markii hore halkan ka tegay, inaan dalkaygii dib ugu soo noqdo sidii aan hore ugu shaqayn jirayna aan ugu shaqeeyo.”

Jamaal Maxamed Ducaale ayaa soo laabashadiisa ku sababeeyay kadib arkii la saxay khaladaad uu sheegay uu deegaankiisa hore uga tirsaday xukuumaddii hore ee Somaliland. “Markii aan arkay xukuumaddan dambe ee madaxweyne Muuse Biixi oo waxbadan ka badashay waxyaabihii xukuumaddii hore ka samaysay deegaanka.”

Jamaal Maxamed Ducaale oo la weydiiyay sababta uu khaladka u tirsaday uu ugu soo bandhigi waayay mas’uuliyiinta dawladda iyo taliyihiisaba, kahor inta aanu ka soo horjeesan, waxaanu yidhi; “way ahayd inaan idhaahdo, wayna ku banaanayd, laakiin waan ka degdegay oo aniga ayaa ka degdegay inaan idhaahdo arrinkaasi.”

Comments

comments