War Deg Deg Ah :Maayir Muraad Oo Ka Talaabay Xuduuda Somaliland,Ciidamo Hor Istaagay,Iyo Shaki Ka Dhashay Safarkiisa

258

War Deg Deg Ah :Maayir Muraad Oo Ka Talaabay Xuduuda Somaliland,Ciidamo Hor Istaagay,Iyo Shaki Ka Dhashay Safarkiisa

Ciidamada Policeka Degmada Dhoqoshey Ayaa Hor Istaagay Gaadhi Ay Ku Xidhan Tahay Taarikada Dawlada,Kaas Oo Uu Watey Maayirka Degmada Burco Maxamed C/raxmaan Muraad,

Maayirka Degmada Burco Maxamed Muraad Oo Wata Gaadhi Ay Muraayaduhu U Dalacan Yihiin Isla Markaana Ku Soconaya Xawaare Deg Dega Ayaa Soo Istaagay Istabta,Waxaanay Ciimadu Ku Amreen Inuu Dejiyo Muraayadaha Gaadhiga Si Ay U Aqoonsadaan Cida Gaadhiga Wadata,
Maayir Muraad Ayaa Arinkaasi Ka Biyo Diiday,Waxaana Mudo Lagu Hortaagna Istabta Degmada Dhoqoshey,Ugu Danbayn Maayir Muraad Ayaa Garwaaqsaday Ciidamada Waxaanu Dejiyey Muraayada ,Waxaana Ciidamada Kaga Soo Baxay Gaadhigaasi Maayirka Degmada Burco,
Dhanka Kale Wararka Aanu Ka Helay Deegaanadaasi Ayaa Sheegaya In Maayir Maxamed Muraad U Talaabay Dhanka Xuduuda Dalka Itobiya,Lamana Garanaayo U Jeedka Safarka Maayir Muraad Kaga Talaabay Xuduuda Somaliland.
Waa Markii Ugu Horaysay Ee Masuul Wata Gaadhi Dawladeed Ku Xad-gudbo Xuduuda Dawlad Kale Maadama Oo Labada Dal  Ee Itobiya Iyo Somalila d U Dhexeeyo Xidhiidh,Wanaagsani,Waxaanay Arintani Shaki Gelisay Kalsoonida Lagu Qabo Maayirka Burco, Oo Lays Weydiiinaayo Sababta UU Kaga Gudbay Xuduuda Somaliland

Comments

comments