Ra’iisal Wasaare Xigeenka Somaliya oo Khudbad Dhinacyo Badan Taabaneysa Kaga Hadlay Wada-Hadaladdii Somaliya iyo Somaliland

157

“Mudane Mahdi-Khadar oo Ka Hadlayey Gunnaanadka Shirkii Jabuuti Ayaa Sheegay in Haddii Aanay Somaliland iyo Somaliya La Imanin Hal Abuur iyo Aragtiyo Cusub ay Ku Dambeyn Doonaan China iyo Taiwan oo Kale.”.  

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dowladda Faderaalka ee Somaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey gunaanadka shirkii loogga hadlaayey isbeddelada siyaasaddeed ee ka curtay Geeska Afrika, ayaa waxa uu ku soo hadal-qaadey wada-hadaladdii u dhaxeeyey Somaliya iyo Somaliland oo uu sheegay in Xukuumadda Farmaajo ay ka go’an tahay siddii maxsuul dhab ah loogga gaadhi lahaa wada-hadaladdaasi, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay dib u bilaabmi doonaan wada-hadaladdaasi isaga oo dhinacyada u soo jeediyey in miiska wada-hadalka la la yimaado fikiro iyo hal abuuro cusub oo suurto-gelinaaya in natiijo rasmi ah ay ka soo baxdo wada-hadalada labada dhinac.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu ugu horreyn ka hadlay baqo hore loogga muujiyey hay’adda soo qaban-qaabisay shirka isbeddelka ka curtay Geeska Afrika, waxaana uu sheegay in qaabkii ay u qabteen shirkaasi uu ahaa mid wax badan ka beddelaya aragtidii hore loogga aaminsanaa hay’adda Heritage isaga oo u soo jeediyey tallooyin ku saabsan siddii ay u ilaalin lahaayeen dhex-dhexaadnimada iyo in ay hab cadaaladdeed ay ku ladhaan hawlahooda shaqo.

“Markii aan meeshan imanaayey waan kala tashadey Madaxweyne Farmaajo, waa ii soo duceeyey, hadalkii aan ka odhan lahaana aaraah buu ku kordhiyey, Ra’iisal Wasaarahu na sidoo kale, laakiin saaxiibo kale oo aan lee yahay ayaa aad iigu war-warey iina digay, waxay yidhaahdeen meeshaa aad ku socoto miyaad garaneysaa yacnii dalka Jabuuti kamay hadleyn se waxa ay ujeedeen oo ay yidhaahdeen nimankaa Heritage ee shirkaa wada walaaloow colka wadhaf ma lagu dayey baa la yidhi yee ma iska hubtaa, aad baa la iigu digay, dabadeed na waan yaabay imika na markii aanu sheekaysanney Cabdirashiid iyo Mursal waxa ay ahayd mid aad u qurux badan laakiin xaqiiqada aan halkan ku arkay iyo hay’adda heritage dhex-dhexaadnimaddeeda iyo ay dood u furto Soomaali waa wax ka duwan wixii markaa ay ragga qaarkii I lahaayeen, waa ii soo hambalyeeyeen, shir fiican baana meeshaa ka furmay, waxa aan lee yahay  Heritage waa loo han-weyn yahay, waad arkeyseen oo Soomaali oo dhammi in ay tidhi anagaa marti-gelinayna, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle na waad arkeyseen in sannadka dambe na uu marti-gelin innoo fidiyey, waxa aan doonayaa in aan idhaahdo kalsoonidaa iyo dhex-dhexaadnimaddaas in aad sii waddaan oo odey Xaaji Cabdi Waraabe la yidhaa ayaa waxa uu yidhaah daa ‘Waraabe qabashada bartay waa halkaas oo laga ga sii hayaa’. Heritage na, dhex-dhexaadnimaddaas iyo xantaa yar ee jirta in aad meesha ka saartaan oo xattaa haddii saaxiibaddiin, anigu hore uma aqoonin e’ waxa la igu yidhi Aala-sheekh aad ka hadlaysaan anaga iyo cid kale ba noo cadaalad sameeya, waana aan idiin hambalyeynayaa, igu tashada, ana waan idin ku tashanayaa, Madaxweyne Farmaajo ku tashada isna waa idin ku tashanayaa, ra’’iisal wasaare Cali Kheyre ku tashada isna waa idin ku tashanayaa.”. Ayuu yidhi Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somaliya, uu mar kale dul istaagay faa’iidooyinka ay Somaliya ka heli karto isdhex-galka dhaqaalaha Gobalka isaga oo soo bandhigay doodo macquul ah oo wax badan ka beddelaya hab fikirka dadyowga ka soo horjeeday qorshahaasi, waxaana uu yidhi:-

“Doodii saddexda cisho innoo socotay waxa ay ka hadlaysay is-dhex-galka Gobalka iyo maxaa innoogu jira Soomaali haddaan nahay, is-dhex-galkaas oo ah kow is-dhex-galka dhaqaale ee Gobalka iyo doorka Somaliya ay ku yeelan karto, isbeddelka gobalka ka socda iyo isbeddelka Geeska ka socda, wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya oo markii doodii xiiso yeelatay aynu maanta hada na qeyb labaad ka galnay. Hadda ba faa’iidada Somaliya ugu jirta isbeddelka Geeska maxay tahay?. Cabsi baa jirtay iyo in taxadir la soo jeediyey, runtii na gar baa loo lee yahay haddii fikir cusub, ra’yi cusub iyo hal abuur cusubba uu yimaado in la yidhaa waar colka wadhaf ma lagu dayey iyo maxaa ka iman kara.!. Maxay yihiin faa’idooyinku/. Goddaloolooyinku na maxay yihiin?. Anaga aragtiyada isbeddelkan cusub ee is-dhex-galka dhaqaalaha oo Madaxweyne Farmaajo hormuud ka yahay uusan hugunka raacin, waxaa ku jira dhowr faa’iido, in aynu dhaqaale ahaan isku dhex-galno, in ay yimaadaan isku-dheeli tir ganacsiga a(Trade Balance) oo waxa aynu ka warannay Miirooga oo la iska daayo maalin kasta la inagu soo bam gareeyo ee diyaarado badan lagu keeno oo iyaga oo madhan ay noqdaan, kalluun aynnaan saarin, cambe aynnaan saarin, Muus saarin iyo waxyaabo badan oo faa’iido innoo keeni kara aynnaan saarin oo aynnu uga faa’ideysanno. Waxa kale oo aynu ka hadalnay dhaqaalaha maalin kasta Itoobiya gala ee wax aynu ku beddelannaa uusan jirin oo ugu yaraan ay iman karta in ganacsiga la isku dheeli tiro, waana faa’iidooyinka waaweyn ee ay Somaliya ka dhaxli karto.”.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sida oo kale sheegay in Somaliya ay xasilooni siyaasaddeed ka helayso ka faa’ideysiga isbeddelka siyaasaddeed ee ka curtay Geeska Afrika isaga oo xusay in wadamada gobalku ay iska kaashan karaan waxyaabo badan oo dan u ah dhinacyada.

“Waxa kale oo iyadu na ku jirta faa’ido kale oo ah in ay ku jirto xasilooni siyaasaddeed iyo wixii la isku hayn jiray weli ba Soomaali lagu hayn jiray ay meesha ka baxdo, u madax-bannaanaano masiirkeena, oo aanay jirin dawlado yar yar oo Adis-ababa u tukada, aynu nidhaahno anaga qibladayadu waa xaramka e’ laakiin kala faa’ideysiga iyo wada-faa’ideysiga waa aynu oggol nahay, ganacsi xor ahi uu abuurmo oo hore ba waxa aynu u saxeexnay ganacsi xor ah oo ka dhaxeynaaya Afrika oo dhan, Igad baa hore u jirtay, ganacsiyo kale oo goballeed baa jiray, markaa sidee baynu u xoojinnaa, cudurada isku gudba siddee baynu uga wada-gurman karnaa, armniga sidee looggu wada gurman karaa, sidee baynu dhammaanteen u wada raadin karnaa Nabad iyo Nolol. Gobalku weligii ba waa uu is-dhex-galaayey Afrika ahaan oo Commesa, Saadik, Ecowas iyo Igad oo IGBB ahaan jirtaa laakiin imika ah IGAD, markaa inteena war warka weyn qabtaa yeynaan ka war-warin, waa gar aad lee dihiin in aad tidhaahdaan waar aynu bal wax iska hubinno waxyaabaha ka iman kara oo aynu bal eegno maxaa ay faa’iido iyo faa’iido darro lee dahay, talada idinkaa leh, wax weynna waad ku lee dihiin, yeynaan gobalka iyo isku taggiisa ka baqin.”.Ayuu yidhi Mahdi Guuleed

Mudane Mahdi-Khadar, waxa sida oo kale uu ku baaqey in Soomaalidu ay han sare yeelato isla mar ahaantaana hiigsigeeda iyo qorshaheedu uu noqdo mid gaadhsiisan siddii aduunyada oo dhan uu u gaadhi lahaa magaca Soomaali, waxaana uu taa u soo qaatay sadaro ka mid ah Gabay Hadraawi tiriyey oo muujinaaya hiigsiga Soomaali iyo cidda ay tahay.

“Markaa waxa aan doonayaa markaa in dhammaanteen ba Soomaali nahay, Soomaalida Somaliya, Soomaalida Somaliland oo aynu dooddeedii dhageysannay, Soomaalida Geeska Afrika ee Soomaalida Itoobiya, Soomaalida Kiiniya iyo Soomaalida Jabuuti ba, markaa waxa aan doonayaa in aan idin xasuusiyo cunsurka qofka Soomaaliga ah oo waxa aan soo qaadanayaa Gabey uu lahaa Hadraawi oo uu kaga hadlaayey in qofka Soomaaliga ah uu hiyigiisu dheeraado oo meel fog uu wax ka eego, waxaana uu yidhi ‘umad yahay dib uma guuri karo geeshka maanta ahe, gosha hooyo waa laga koraa goodirkay tahayee, geyigeeyga waa u kow intuu waajib ii galo e’, hase ahaatee dhulka kale intaan gaadhi karo waa u gollee yahay, aduunyada go’doon kaga ma jiro garan gar noo yaalee, garaadkeygu waa dhaafsan yahay xaajo goballeed, asaagey wuxu galo ayaan anigu gooyaa yee, dadka kale waxa ay galaan ana waan gaadhi karaa Soomaali haddaan ahay, qeyrkay intuu guul guntadey gooni ii faran, waxa ina rag ii guulayaa tiisa gaarka ah ana waxa aan go’aansadey in aan la ii gabbood falin, garowshiyo jeeroon ka helo gaanka dunideyda, jeeroon gaalaa baxo arlada goodi iyo goodi, jeeraan gufaacada ku tago meelo giriyaad ah, gaalo iyo islaamka ba illaa la iga gacan qaado, gaalo iyo islaamka ba illaa teydu wada wada gaadho, bari iyo galbeedka ba illaa la iga gacan qaado, guray iyo islow iyo hurroow gabeygu waa been’. Markaa hiyigaa fog ee durugsan ee Hadraawi miyeyna ahayn in aynu ku wada fikirno , waxaan idiin sheegayaa bariga Afrika illaa Nayjeeriya meel aanay Kontankaa Milyan ee Ingiriiska ama Britan ahi gaadhin ma jirto, waa qofka iyo hiyigiisa, damaciisa, rabitaankiisa iyo garaadkiisa, markaa haddaad hiyi weyn tahay oo aad qab weyn tahay waad gaadhi kartaa meel kasta, cuqdad yuururta haddaad noqota na halkaas uun baad fadhiyi, markaa Soomaaliyey cabsiga aynu iska ilaalinno.”. Ayuu yidhi Mudane Mahdi Maxamed Guuleed

Ra’iisal Wasaare Xigeenka Somaliya, waxa uu si miisaan leh uu uga hadlay arrinta Somaliland iyo Somaliya isaga oo sheegay in ay dib u balaabayaan wada-hadalada u dhaxeeya labada dhinac isla mar ahaantaana ay rajeynayaan in wax wanaagsan ay ka soo baxaan.

“Arrinta Somaliland, aniga xundhurteyda ayaa Hargeysa ku aasan, Hooyadey oo 80 jir ah baa joogta, toddoba caruur ah baa iigu dhashay, dugsi hoose dhexe iyo sare ayaan ka bartay, 17kii sannadood ee u dambeeyey baan ka shaqeynaayey, waa lagu kala duwanaan karaa, waayo aniga qudheydu beesha dhexe ayaan ka soo jeedaa, fikir kale na waan qabaa oo ah waar sidee baynu dib u qori karnaa midowgii 60kii, maxaynu se ka yeeli karnaa, taa macnaheedu maaha in beesha dhaxe ay Somaliland wada aaminsan tahay, macnaheedu na maaha in beelaha darafyadu na ay Soomaaliweyn aaminsan yihiin, dad badan oo Awdal ka soo jeeda ama Sool iyo Sanaag ba ayaa maamulka sare ka mid ah fikir ahaana ku qanacsan in Somaliland ay go’do, markaa yeynaan u arkin wax beesha dhaxe u gaar ah, yeynaan fikirka kala duwanaanshiyahiisa na isku diidin ee aynu doodno, markaa waa in reer Somaliland fakeraan oo yidhaahdaan haddii qorshaha koowaad kan yahay, qorshaha labaad sidee ku iman karaa, qof kasta oo dowladda faderaalka ah yimaadaan waa ku qasban yahay in uu qorshahaa midnimada ka shaqeeyo oo dastuurkaa dhigaaya, qof kasta. Waxa aan aaminsanahay in aynu wada-hadaladdaas aynu dib u jeexno idinku na aad si fiican isku diyaarisaan.”. Ayuu yidhi Mahdi Maxamed Guuleed

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ugu dambeyn ka hadlaaya wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya, ayaa waxa uu yidhi:- “94kii buu Cigaal fakeray, anigu waxaan aaminsanahay mufaker Soomaaliyeed oo siyaasiya oo Soomaali oo dhan siyaasi la mid ahi haddii uu jiro uu yar yahay oo weli ba anigu aan u maleynaaya in uu weli ba  Filosoofar ahaa, ayaa waxa uu eegay in wadadaa dheer ee muuqata, deed na qorshe ayuu keenay golaha wasiirada ee Somaliland, markaa wuxu yidhi niman yahow maanta Soomaali halkaas bay mareysaa yee aynu calankii iyo caasimaddii, Madaxtooyaddii iyo Qaramaddii Midoobey ba aynu Hargeysa keenno, deedna doodii ugu weynayd iyo mucaaradnimaddii ba golahii wasiirada ayuu kala kulmay, deedna qeylo iyo rabshad baa ka dhacdey, waa xaqiiqo dhab ah runtii oo kuwii joogay ay ka waramayaan. Madaxweyne Farmaajo na way ka go’an yihiin wada-hadaladu waana aanu dedaalaynaa, dib ayaana aanu u bilaabaynaa haddii Alle yidhaahdo haddii se aan la bilaabin ha u arkina in la isku qancinaayo maya iyo IGAD sidaas bay tidhi, Afrika sidaas bay tidhi, Mareykan iyo Inigriiis na sidaas bay yidhaahdeen, markaa Somaliland halkaa ha ii joogto oo cabsida aan qaba waxa weeye Soomaali oo dhan haddii aynnaan isku tashan, idinku na aydaan fikir iyo hal abuur keenin anaga na dowladda Faderaalka ah, xilka na saaran iyo xildhibbaanada Goleyaasha ku jiraa aysan fikir keenin Somaliya waxa ay uun ku dambeyn doontaa China iyo Taiwan.”.

Comments

comments