Somaliland: Sannadka Koowaad Ee Wax-qabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Sannad ayey ku buuxdaa markii  tallada dalka ay  qabatay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana taariikhda u gashay Jamhuuriyadda Somaliland in xafladdii caleemo-saarka Madaxweynuhu uu xilka kula wareegayey 13kii December 2017kii, ay kulmisay saddex madaxweyne oo si dimuqraadi ah loo soo doortay oo xilka mid walba  si salmi ah u wareejiyey markay dhammaatay muddadii xil hayntiisu.

 

Intii ay Xukuumaddani jirtay waxay la kowsatay caqabado farabadan, balse haddana waxay ku tallaabsatay guullo waaweyn oo dhaxal-gal ah, waxa caqabadaha ugu waaweynaa qiime dhicii xawliga ahaa ee ku yimid shilinka Somaliland, dagaalka joogtada ah ee  Soomaaliya ku soo qaaday xudduudaha bariga Somaliland, shaqaaqooyinkii Ceel-afweyn, Koonfurta Sool (Dhumey) iyo duufaantii Sagar ee khasaaraha gaadhsiisay  bulshadii deganeyd xeebta galbeedka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Muuse Biixi waxay curiyeen hal-abuuro cusub  oo rejo geliyey dhallinyarada, gaar ahaan kuwa soo dhammaystay heerka koowaad ee jaamacadaha dalka, iyadoo Madaxweynuhu uu ku dhawaaqay barnaamij uu u bixiyey Shaqo Qaran oo lagu bilaabayo 1500 oo qof (Wiilal iyo Gabdho) oo tababar la gelinayo muddo kooban, kadibna loo kala qeybinayo  Ha’yadaha Qaranka. Waxa xarunta ay tababarka ku qaadanayaan loogu diyaariyey dhammaan wixii agab ah sida; Furshaantoodii,  Gogoshii iyo Maacuunkii, Dirayskii, Kabihii illaa Sharabaadkii, iyadoo ay tahay ujeeddada laga leeyahay xoojinta isdhexgalka, isku kalsamaanta, wada noolaanshaha bulshada Somaliland, kor u qaadista wacyiga iyo aqoonta dhallinyarada ee dhinacyada sooyaalka taariikheed, dhaqameed, dhaqaale bulsheed iyo juquraafiga dalkaba iyo sidoo kale u hagar-bixida gudashada waajibaadyada iyo mas’uuliyadaha waddannimo iyo arrimo kale oo badan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo si diiran loogu soo dhaweeyey Ceerigaabo

Waxa kaloo uu Madaxweynuhu Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada  ku shubay lacagtii ugu horreysay  oo dhan 200.000  US Doolar.  Waxyaabaha kale ee  ay xoogga saartay waxa ka mid:-

  • Xakameynta Isticmaalka Kharashyada Dawladda, si qiime dhaca looga ilaaliyo shilinka Somaliland, taas oo ay haatan suurtogashay inuu xasilo qiimaha shilinka Somaliland muddada sannadka ah.
  • Taakulaynta iyo u Gurmashada hadba inta awoodu tahay dhibaatooyinka halista ku ah nolosha iyo kuwa masiibooyinka dabiiciga ahi keenaan.
  • Ilaalinta Anshaxa iyo haybadda dawladnimo oo ay ugu horreeyaan in masuuliyiinta sar-sare ee Xukuumadda xafiisyadooda laga helo saacadaha shaqadda iyo in aanay Warbaahinta isku weydaarsan khilaafyada maamul ee ay ku kala aragti duwanaan karaan.
  • Dhiirigelinta iyo u jiheynta bulshada ee xagga wax-soo-saarka Beeraha, iyadoo beeralleyda laga taakuleeyey dhinaca  beer  qodaalka, isla markaana Xukuumaddu ka qaybqaadatay dhinaca wax-soo-saarka.
  • Dhawritaanka Haykalka dawladnimo; sida in bulshada reer Somaliland si siman loogu soo bandhigo, uguna tartamaan fursadaha shaqo ee dawladda iyo sidoo kale Qandaraasyada Qaranka.
  • Fuddudeynta hannaanka maalgashi ee dalka, iyadoo loo aasaasay Wasaarad u gaar ah.
  • Muddadaas sannadka ah waxa madaxweynuhu uu socdaalo ku kala bixiyey dalalka dibadda sida, Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta, waxaanu socdaalo ku tagey dalka gudihiisa min galbeed illaa bari, kuwaasi oo dhammaantood si weyn loogu soo dhaweeyey.
  • Waxa kaloo Madaxweynuhu uu ku qaabilay xafiiskiisa wufuud kala duwan oo booqashooyin ku yimid dalka, oo iskugu jira; Wasiirro, Safiirro iyo masuuliyiin sar-sare oo ka socda dalalka Somaliland xidhiidhka dhow la leh iyo Hay’adaha Qarammada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah.
  • Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti uu hoggaaminayey oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Md. Maxamed Muuse Abees iyo  Siyaasi Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga WADDANI, ayaa qasriga Boqortooyada Sucuudiga si maamuus leh uu ugu soo dhaweeyey Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisa.
  • Waxa kaloo Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayaa uu socdaal ku tagey dalka Imaaraadka Carabta, isagoo halkaas si rasmi ah uga furay magaalada Dubia xafiiska Safaarada Jamhuuriyadda Somaliland oo loo dalacsiiyey heerka diblomaasiyadda oo la mid ka danjirayaasha kale ee ku sugan dalkaas, waxaanu munaasibadaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Imaaraadka iyo Maareeyaha Shirkadda DP World.
  • Cabdiraxmaan Saylici wuxuu booqashadiisii ugu dambaysay ee December uu ku tagey dalal ka mid ah Yurub, isagoo lagu soo dhaweeyey xarunta midowga Yurub ee Brussels, waxaanu kulan la yeeshay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Midowga yurub oo saaxiibbo la ah Somaliland, kuwaasi oo ay ka wadahadleen arrimaha aqoonsiga Somaliland iyo xagga horumarinta mashaariicda Somaliland.

                        Madaxweyne ku-xigeenka JSL oo Ingiiiska Kula Kulmay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka UK

  • Sidaas si la mid ah Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu lugtiisii ugu dambaysay ku soo maray boqortooyada dalka Ingiriiska, halkaas oo loogu soo dhaweeyey fadhi ay lahaayeen Guddi ka tirsan Baarlamaanka Ingiriisku oo uu ka qaybgalay dhegaysigii dooddii u socotay, kadibna kulan gaar ah la yeeshay xubno ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka UK oo ah kuwa taageera Qaddiyada Madax-bannaanida Somaliland.

Xoojinta Xafiisyada Diblomaasiyadeed:

Waxa hore u jiray 23 Wakiil oo Somaliland hore ugu fadhiyey 23 Waddan, waxaana lagu kordhiyey dhowaan oo la furay xafiiska Wakiilka Somaliland ee Waddanka Biljam, waxaana dib loo furay xafiiska Wakiilka Somaliland ee dalka Yeman oo xidhnaa muddadii dagaaladu socdeen.

Waxa iyana sidoo kale meeqaamkooda loo dallacsiiyey heer diblomasaasiyadeed xafiisyadii aynu  ku lahayn Kenya iyo Isku-tagga Imaaraadka Carabta.

 

Waxa baarlamaannada dunidda dhexdooda laga abuuray saaxiibbo Somaliland ka saacida dedaalada aqoonsi raadinta, waxaana ka mid ah Baarlamaanka UK, Uganda iyo Midowga Yurub, si loo xoojiyo xidhiidhka Somaliland ay la wadaagto dunidda, waxaa Xukuumaddu  ka qaybgashay shirar lagu kala qabtay  dalalka UK, Kenya, Ghana, Sinigaal, Murataaniya, Nigeria, Biljam, Itoobiya, Jabuuti iyo isku-tagga Imaaraadka carabta.

 

Geesta kale, waxa dalka soo booqday wufuud  tiradoodu dhan tahay 23 oo ka kala socday 17 Waddan, kuwaas oo badankoodu u socdeen arrimo diblomaasiyadeed.

 

Waxa gudaha Somaliland lagu qabtay shirweyne ballaadhan oo lagaga warramayey guulihii Somaliland gaadhay iyo caqabadihii la soo gudboonaaday 27kii sanno ee la soo dhaafay, waxaana ka soo qaybgalay wufuud ka kala socotay 28 dal oo iskugu jiray Afrika, Carabta iyo Maraykanka, UK , Midowga Yurub iyo Urur-goboleedyo ay ka mid tahay IGAD.

 

 Nabadeynta  Gobollada barri:

 

Xukuumaddu waxay dedaal iyo xoog iskugu geysay joojinta shaqaaqooyin ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobollada Barri  oo u dhexeeyey beello isku deegaan ah oo ay ka mid ahaayeen Ceel-afweyn, Dhumey, Caynaba, Jiidalli, Buuhoodle iyo Qori-lugud.

Xukuumaddu waxay abaabushey  ergo nabadeed oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, oo iskugu jiray Culimo, Madax-dhaqameedyo ka kooban beelaha Somaliland oo dhan, Guurti iyo Waxgarad kaleba, kuwaas oo loo igmaday soo afjarida iska hor-imaadyadii u dhexeeyey labada ardaa ee wada dega deegaanka Ceel-afweyn. Ergadan oo muddo fadhiday degmada Ceel-afweyn waxay soo afjareen xurgufihii u dhexeeyey labada dhinac, iyagoo soo saaray shan qoddob oo lagu soo af-xidhay shaqaaqadii soo noqnoqotay ee Ceel-afweyn.

Maamul-wanaagga:

Waxa la diwaan-geliyey hantidda ma guurtada ah ee qaranka, waxaana    ka qaybgalay  tirokoobkeeda iyo diwaan-gelinteeda 80 Injineer oo muddo laba bilood ah ku soo dhammeeyey tiro-koobka hantida qaranka ee ma guurtada ah, iyagoo diwaangeliyey 4,268 xarumood oo ku kala yaalla Maroodi-jeex, Awdal, Saaxil, Togdheer, Sool iyo Sanaag.

Sidoo kale waxa la joojiyey in dhulka danta guud ay bixiyaan Dawladaha Hoose, maadaama oo ay u maamuli waayeen sidii loogu talogalay.

Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka:

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada oo ku dhawaaqaya mid ka mid ah qandaraasyadii lagu kala guulaystay

                            Shirkadihii iyo goobjoogayaal kale oo sugaya ku dhawaaqista  natiijadii qandaraasyadii lagu guulaystay

Guddida Qandaraasyada Qaranku waxay  si caddaalad ah oo daah-furan u bixiyeen, loona tartamay 42 Mashruuc oo ah dhismeyaal dawladeed, 32 Mashruuc oo ah soo iibin qalabyo kala duwan iyo soo iibinta 52 Baabuur oo noocyadoodu kala duwan yihiin oo loo dalbay Hay’adaha Dawladda. Waxa intaas dheer qandaraaska Waddada isku xidha Hargeysa iyo Kala-baydh.

Wacyigelinta iyo barashada Dastuurka JSL

Xukuumaddu waxay qaaday  Tallaabooyin  lagu gaadhsiinayo, laguna barayo muwaadiniinta dastuurka, maadaama uu dastuurku yahay  ka ay ka  farcamaan dhammaan shuruucda iyo xeerarka dalku.  Sidaas awgeed,  waxay Xukuumaddu samaysay Wasaarad cusub oo loo bixiyey Wasaaradda Dastuurka iyo Xidhiidhka Goleyaasha, taas oo socdaal ay ku faafinaysay dastuurka ku tagtay gobollada Saaxil, Togdheer, Saraar, Sool iyo Sanaag, iyadoo gobolladaas mid kasta u qaybisay nuqullada dastuurka, isla markaana ku wacyigelisay inay akhristaan si ay u bartaan dastuurkooda.

Tayeynta Hanti-dhawrka:

Si uu Hanti-dhawrku u guto  waajibaadkiisa qaran, waxa loo diyaariyey shaqaalaha dhammaan Dhukumantiyada noocyadooda kala duwan ee hagayaasha xisaabaadka iyo hawl-fulinta, sidoo kalena lagu tabobarro shaqadda dhexdeeda (on Job Training).

Waxa Hay’adda Hanti-dhawrku baadhitaanno ku samaysay  25 Hay’adood oo ka mid ah kuwa dawladda oo ay ka mid yihiin  qaar ka mid ah  Dawladaha Hoose ee dalka.

Madax-taabashada Shaqaalaha Dawladda:

            Diiwaangelintii tiro-koobka shaqaalaha dawladda

Shaqaalaha Dawladda hore loogama haynin rikoodh sax ah oo qeexaya macluumaadkooda la xidhiidha da’da, heerka aqoonta, dhimashada, dhul-yaalka, inta rag ah iyo inta dumar ah, iyo tirada waxbarasho dibadeed ama mid gudaha ku maqan IWM. Haddaba, si loo xaqiijiyo macluumaadkaa, ayaa Xukuumaddu bilowday tiro-koobka shaqaalaha oo ahaa madax-taabasho, iyadoo ay dhammeyd tirada shaqaale ee mushaharka qaadataa 16,533 qof, hase ahaatee markii diiwaangelintii dhabta aheyd soo dhammaatay waxa tirada la diwaangeliyey ay noqotay 14,057 qof, waxaana bannaanaaday 2, 476 kaalmo shaqo. Waxa la ogaaday madax-taabashada in 25%   shaqaalaha la diwaangeliyey ay yihiin Gabdho.

Waxa kaloo markii u horreysay lixda gobol doorasho ee dalka ay Hay’adda shaqaaluhu gobol kasta gaarkiisa ugu  qabatay tartan kaalmo shaqo, iyadoo gobol kasta loo qoondeeyey 50 qof oo gabdhuhu gaarkooda ugu yeelanayaan 30% (Boqolkiiba Soddon), waxaana ka mid ah gobollada tartankaa lagu soo qabtay Sanaag, Sool, Togdheer, Saaxil, Awdal iyo Maroodi-jeex oo ah gobolka kaliya ee aan wali loo fadhiisan tartankiisa. Waxa la shaqaaleeyey macalimiin tiradoodu dhan tahay 954  macalin  oo hore ugu mushahar qaadan jiray magacyo aanay lahayn, balse haatan si rasmi ah magacyadoodu u galeen diiwaanka mushaharka shaqaalaha dawladda, iyagoo fursadan ka helay kala hufkii lagu sameeyey shaqaalaha dawladda.

 

Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku dhiiratay bilowgii xil la wareegisteedaba sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose  sannadka 2019ka maadaama oo ay muddo dhaafeen, inkastoo  xukuumaddu ka dedaashay dhankeeda sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinkaas, haddana waxa ku yimid dib u dhac kale, kadib markii Guddida doorashooyinku ay dib u dhigeen doorashooyinkii wakhti aan la cayimin iyagoo raaciyey asbaabihii kalifay dib u dhaca doorashooyinka isku sidkanaa. Si kastaba ha ahaatee waxa Xukuumaddu ay bixisay 2 milyan oo Doolar iyadoo qaybta xukuumadda kaga soo hagaagtay ay dhammeyd 4 Milyan oo Doolar oo dhaqaalaha doorashada lagu qabanayo ka noqonaysa 25%.

LA SOCO…………………………….

Comments

comments