Wasiirka Macdantu Wakhtigii Uu Ahaa Guddoomiyaha Sompower Wuxuu Si Badheedh U Jarjaray Xadhkahii Laydhka Shirkadda Indhabirta, Taas Oo Khatar Galisay Nafo Iyo Hanti Badan”.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Shirkadda INDHO-BIRTA qaybteeda laydhka ayaa cabasho xoogan iyo jariimado dhinaca awooda fulinta ah ka tirsanaysa Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, waxay Warsaxaafadeed ay shirkaddu jawaab uga dhigtay waraysigii u dambeeyay ee Wasiirka oo ay ku socodsiisay Madaxweynaha, ku xigeenka iyo Goleyaasha Qaranka kaga hadashay dhacdooyin uurkutaalo dhinaca maamulka ah oo uu Wasiirka Macdantu tan iyo  markii uu Gudoomiyaha Shirkadda Sompower ahaa ku hayay shirkada NATIONAL POWER ee Magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeedka Shirkaddu soo saartay oo Warbaahinta loo qaybiyay ayaa waxa uu u dhignaa sidan”Shirkadda Adeegga Korontada ee Indho-birta oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalku iyada oo mar walba u hogaansan hannaanka dawladnimo iyo nidaamka dalka u yaalla haddana waxa ay walaaac weyn ka qabtaa oo ka cabanaysaa hab-dhaqanka Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal oo tacadi iyo awood sheegasho maamul u adeegsanaya shirkadda Indho-birta oo wasiirkaasi ka tabanaysa caddaalad darro iyo in uu dhinaca saarayo shirkad uu hore maamulkeeda u joogay ka hor intii aan xilka loo magacaabin. Waxaanan cabashadan gaadhsiinaynaa dhammaanba cidda ay khusayso.

Shirkadda INDHO-BIRTA (National Group of Companies) oo la aasaasay horraantii sagaashameeyihii markii dalka lagu soo laabtay waxa ay ka qayb qaadatay kobcinta ganacsiga, fursadaha shaqo abuur iyo guud ahaan dhismaha dalka waxaanay mar walba u taagan tahay ixtiraamka iyo mabaadii’da ganacsiga xorta ah iyada oo dhawraysa dhammaan shuruucda dalka u taalla gara ahaan xeerka tamarta balse waxa aanay marnaba ogolaan doonin tacadiga iyo waxyeellada uu shirkadda ku hayo Wasiirka Macdanta iyo Tamartu isaga oo mar walba dhinac kale oo shirkadaha tartan ka dhaxeeyo dhinaca saaraya oo sifo qaldan ugu garab joogsanaya taa baddalkeedana shirkaddan tacadi kula kacaya.

Wasiir Jamaac, ka hor intaan loo magacaabin Xilkan uu hadda Xukuumadda ka hayo waxa uu ahaa hoggaankii ama Guddoomiyihii Shirkadda SOMPOWER oo uu tartan dhinaca Ganacsiga ahi ka dhexeeyo Shirkadda Indho-birta (NATIONAL Power), waxaanu  wakhtigaasi kula kacay shirkadda ficilo abuuri karayay fawdo iyo kala dambayn la’aan, balse aanu kula soo tacaalnay deganaansho iyo dulqaad anagoo u arkaynay kaliya inuu tartankii naga dhexeeyay uu dariiq qaldan u maray.

Haddaba sida uu dhigayo Xeerka Tamarka ee xeer Number Lr.81/2018  ee  doorka muhiimka ah ee tamartu kaga jirto horumarka Somaliland, National Power (Indho Birta) mar walba waxay diyaar u tahay ka midho dhalinta iyo inay helaan bulshada Somaliland tamar tayo iyo qiime Jaban ah. Waxaanay diyaar u tahay inay la shaqayso cid walba oo ku hawlan horumarinta Tamarta, Haddaba anagoo tixraacayna waraysigii u dambeeyay ee uu Wasiirka Tamarta Somaliland Jaamaca siiyey Warbaahinta isla markaana uu ku daadafeeyay shirkadda

Arimaha layaableh ee ay Shirkadda NATIONAL POWER ka tabanayso Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee aanu kala kulanay ayaa waxaa ka mid ah in July 2018-kii oo ah sannadkan aan kujirno ah ay shirkaddu Wasiirka u gudbisay “Codsi Ogolaanshiyo iyo Samayn Xarun Cusub”, iyo sidoo kale jiidis xadhig 6-Goobood oo dab Xoojin ah. Waxa uu Wasiirkii isagoo arrintaasi ka hortagaya uu kaga jawaabay qoraal fajiciso ku noqday shirkadda kaasi oo uu u sheegay inuu gabi ahaanba joojiyay dhamaan shirkadaha Laydhka samaysashada xarumo cusub, xoojin koronto iyo sidoo kale dab-galintii xiitaa Guryaha taasi oo ujeedadeeda aan la fahmin oo aanu aad ula yaabnay sida aanay macquul u ahayn Joojinta Galinta laydhka Guryaha .si joogta ah ayuu wasiirku codsiyaddii muxtarimka ahaa ee aanu ugu binaynay uu kaga jawaabayay arrimo aanay ka muuqan masuuliyadda uu qaranka u hayo balse laga dheehan karo inuu wali yahay Guddoomiyihii Shirkadda SOMPOWER. Waxa aanu si cad ula soconaa dhaq dhaqaaqa Shaqada Wasiirka iyo hannaanka uu ula macaamilo shirkadaha tartanka kula jira Shirkaddayada, sidoo kale waxaanu daah naga saarnayn inuu si badheedha wax kasta oo uu shirkaddayada ka hor istaago uu ugu fuliyo shirkaddaha kale.

Gabo Gabo:

Waxa aanu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka iyo dhammaan cidda ay hawshani khusayso u sheegaynaa in aannaan aqbalayn tacadigaasi wasiirku nagu hayo annaga oo aan marnaba garab marayn sharciga dalka u yaalla waxaanan ku baaqaynaa in:

  1. In aannu diyaar u nahay in aannu wasaaradda iyo cid kasta oo ay khusayso kala shaqayno nidaamka tamarta dalka u yaalla iyo awaamiirta ka soo baxda dawladda.
  2. Wasiirka Macdanta iyo Tamartu waxa uu maalin walba joojiyaa xadhkaha shirkaddayada waxaanu sidoo kale xidhaa shaqaalahayaga ku hawlan hawl maalmeedka shirkadda isaga oo ka faa’iidaysanaya Awooddiisa wasiirnimo ee uu qaranka dhex ugu ahaan lahaa balse uu sida qaldan u isticmaalayo, iyada oo aan taa baddalkeeda wax talaabo laga qaadin shirkadaha kale iyagu ku hawlaan fidinta laydhka.
  3. Wasiirku wuxuu ka shaqaynayaa dano cid gaar ah ee kama shaqaynayo danta umadda.
  4. Wasiirku markii uu shirkadda Sompower maamulaha ka ahaa wuxuu googoyey xadhkaha laydhka ee shirkadda isagoo halis galiyey dadwaynihii ka ag dhawaa goobahaasi, maantana Wasiirku waxa uu ka hadlayaa in uu wax ka qabanayo halista laydhka shirkadaha ku eedayey inay halis ku yihiin nolosha dadka.

Ugu Dambayn Waxaanu Halkan Cadaynaynaa:  

  1. Inaanay jirin wax Kooto ah oo Laydhka cid loogu xidhay.
  2. Shirkaddayadu mar walba waxa ay la socodsiisaa cidda ay khusayso wixii la xidhiidha dhinaca habaynta laydhka
  3. Wasiirku wuxuu sheegay Waraysigiisii u dambeeyay inuu ka shaqaynayo danta Dalka iyo dadka, Lakiin waxaa marag ma doon ah inuu mar walba cid u xaglinayo oo aanu dhex ahayn balse uu dhinac yahay.
  4. Shirkadda Indho-birtu (National Power) waxa ay diyaar u tahay in ay ku shaqayso Hagaha sharciga ah
  5. Shirkaddayadu waxa ay si sharaf leh ugu jirtaa tartanka suuqa xorta ah waxaanay u tartamaysaa sifo sharci oo sharaf leh.

 

Comments

comments