Xog Culus: Xadiga Lacagtii Ku Baxaday Safarka Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Helay

179

Xog Culus: Xadiga Lacagtii Ku Baxaday Safarkii Bariga Ee  Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Helay

Wararka ay helayso shabakada Wararka ee Caroog.net ayaa daaha ka rogay in Safarkii madaxweynaha Somaliland ku tagay Gobolada Bariga ay ku baxday Lacag kor u dhaafaysa illaa hal milyan oo Dollar.

Markii uu Madaxweynuhu ka baxay Qasriga Madaxtooyada waxaa la daba qaaday oo gaadhiga loo saaray sida ay xaqiijinayaa wararka aanu helaynaa lacag Hal milyan oo cadaan ah oo Dolarka Maraykanka ah, iyadoo warar kalena ay sheegayaan in markii dambe laga daba geeyay lacag kale balse lama sheegin lacagtaasi dambe balse lacagta hore waxay ahayd Halkaasi Milyan.

Waxa lacagtaasi gacanta ku hayay oo bixinayay Xisaabiyaha khaaska ah ee Madaxtooyada kaasi oo la socday Safarka Madaxweynaha. Waxa lacagtaasi bixinteeda laga bilaabay markii uu Madaxweynuhu marayay Burco. Waxa uu cadadka lacagta ugu kala badinayay sida ay jufooyinku ukala xajmi wayn yihiin. Waxa uu kulamo hoose si gooni gooni ah ula yeelanayay salaadiinta iyo Cuqaasha Beelaha Bariga Somaliland isagoo marka uu kulanku u soo idlaado siinayay lacag cadadkeedu dhan yahay 10-kun oo Dollar illaa 30-kun oo Dollar inta u dhexaysa.

Waxa uu noqonayaa Madaxweynihii u horeeyay ee Lacag cadaan ah ku bixiya goob fagaare ah ama laga wada warqabo tan iyo intii ay Somaliland jirtay, halka ay Madaxdii ka horaysa si qarsoodi ah u bixin jirtay Lacagaha Noocaasi oo kale.  Sidoo kale waxa uu albaabada furay handaraabkii lagu xaman jiray waxaanu si cajiiba ah lacago cadaan ah ugu qaybiyay Dhamaan Cuqaashii iyo salaadiintii uu kala kulmay beelaha Bariga Somaliland.

Comments

comments