Somalia: Xasan Sheekh oo booqanaya Kismaayo

186
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee dowlad-gobolleedka Jubbaland.
Booqashadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay safar uu madaxweynihii hore ku marayo xarumaha dowlad-gobolleedyada dalka , markii ugu horreeysay tan iyo markii looga adkaaday doorashadii siddeedii bishii labaad ee sanadkii tegay 2017.
Galinkii dambe ee shalay ayaa Kismaayo, waxaa gaaray wafdi horu-dhac ah oo isugu jira labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ,isla markaana ka mid ah Xisbiga uu hoggaamiyo Xasan Sheekh , ee UPD.
Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli uu khilaaf u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada dalka,iyadoo warar horu-dhac ah ay sheegayaan in madaxweynihii hore oo hadda ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka uu kala hadlayo madaxda Jubbaland sidii khilaafka xal looga gaari lahaa.

Comments

comments