Somaliland: Dhacdo Ugub Ku Ah Hogaaminta Qaranka Somaliland Oo Uu Ka Dhawaajiyay Masuul Xukuumadda Muuse Ka Tirsani Iyo Fasiraad Uu Bixiyay Oo Dood Yaab Badan Abuurtay

Masuul Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka tirsan ayaa ka dhawaajiyay dhacdo Ugub ku ah Hogaaminta Qaranka Somaliland oo aan imika ka hor lala kulmin, taasi oo uu ku talaabsaday Hogaamiyaha hadda talada dalka hayaa, waxa uu tafaasiil ka bixiyay sababta uu Madaxweyne Biixi bulshada ugu baahin waayay Xilka uu ka qaaday  Gudoomiye Xigeenkii Hay’adda Qaxoontiyo iyo Barakacaasha Qaranka Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jowhar kaasi oo uu dulkeenay masuul kale  isagoon shaacin Xilka qaadistiisa arintaasi oo fajac iyo amakaag ku dhalisay bulshadda, dood culusna abuurtay.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland  Cabdikarin Xinif oo Warbaahintu wax ka waydiisay sababta uu Madaxweyne Biixi liiska qoladii uu dhawaan shaqada ka caydhiyay ugu soo dari waayay Gudoomiye Ku Xigeenkiisi Khadar Sheekh Cabdilaahi  Sheekh Cali Jowhar oo dhawaan shaqada laga caydhiyay ayaa isku dayay inuu arintaasi bulshada ka qanciyo laakiin waxa ka soo butaacday xog fajac iyo amakaag ku riday Umadda kadib markii uu si cad u sababeeyay arintaasi, waxa uu sheegay in Madaxweyne Biixi uu masuulkaasi ugu soo dari waayay liiska isku shaandhayntii uu sameeyay sababo la xidhiidho Ixtiraam uu u hayo Wiilkaasi aabihii  arintaasi oo macnaheeda la fahmi waay islamarkaana abuurtay doodo qosol badan dhalisay.

Waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Malaha Waxa Uu Doonayay in Halkan dadkan faraha badan lagu soo qoro oo lagu yidhaa waa lagu eryay laakiin Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar Oo Ah Sheekh Karaamo Leh ayuunbaa Ixtiraam Madaxweynuhu Ixtiraamay ayuu gartay inaanu Waxba TV, Idaacad iyo Waxba inaan lagalin erigiisee in inanka warqadda Toos loogu geeyo markaa Warqadiisii wuu haystaa, Cadaynteeduna waa taas, waa la eryay Xilkii waa laga qaaday, Warqadiisii iyadoo qoraal ah ayaa la siiyay, isaga ayaa Madaxtooyadda looga yeedhay isaga ayaa la siiyay, haddii aad u baahan tihiin Kameradaha Madaxtooyadda waad ka arki kartaan, waanan filayaa inaad ka arki kartaan Warqadiisa markii uu la soo baxayay, Kameraduhu way duubaan, markaa isaga oo sita waad arki kartaanbaan filayaa”.

Comments

comments