Somaliland: Waa Imisa Xadiga Lacagta Ay Xukuumadu Ku Soo Rogtay Baasaaboorkii Ay Lacag La,Aanta Ku Heli Jireen Shaqaalaha Dawlada Somaliland

Xukuumada madaxweyne Muuse Biixi  ayaa lacag ku soo rogtay shaqaalaha dawlada ee doonaya inay samaystaan baasaaboorka somaliland.

Sida ay sheegeen warar  na soo gaadhaya , Wasiirkii maaliyada ee madaxweyne Muuse Biixi maanta xilka ka qaaday Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa amray in shaqaalaha dawladu ay iska bixiyaan lacagta lagu sameeyo baasaaboorka somaliland oo gaadhaysa $150.

Amarka uu soo saaray wasiirkii xilka laga qaaday ee wasaarada maaliyada somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa meesha ka saarayey qorshe ay dawladu mudo dheer lacag la,aan ugu samaynaysay shaqaalaha dawlada baasaaboorka, iyada oo mudo yarna loogu dhamaystiri jiray marka ay u baahdaan.

Shaqaale dawladeed oo talaabadani saamaysay ayaan warbaahinta  u sheegay in go’aanka wasiirku ka hor istaagay inay helaan baasaaboorka somaliland oo ay degdeg ugu baahnaayeen, iyaga oo ku dooday inaan mushaharka ay qaataana aanu u saamaxayn inay bixiyaan lacagtas la dul dhigay baasaaboorka ay u baahnaayeen.

Wasiirkii hore ee maaliyada somaliland ayaa mudo 11 bilood ah oo uu xilka hayey waxa ay shacabka iyo hay’adihii dawlada ee uu wada shaqaynta la lahaa ay dhibaato kala kulmeen talaabooyinka uu qaadayey.

Lama hubo in wasiirka cusub ee wasaarada horu marinta maaliyada Dr. Sacad Cali Shire uu hirgelin doono go’aankan uu qaatay wasiirkii ka horeeyey.

 

Comments

comments